Uruguay Oo Guuldaradii Ugu Horeysay Gaarsiiyay Russia, Lana Wareegtay Hogaanka Group-Ka A

Xulka qaranka kubada cagta kubada cagta Ruushka ayaa waxaa la dhadhan-siiyay xanuunka guuldaradda kulan ciyaareedkii ay wajaheen Uruguay, markaasoo lagu soo dharbaaxay 3-0.

Goolasha looga adkaaday mid kamdi ah waxaa iska dhaliyay xidiga lagu magacaabo Denis Cheryshev, kaasoo maalmihii udambeeyay ahaa midka isaga gool dhalinayey, balse ciyaartaa uu isaga tolay.

Goolka labaad xulka Uruguay wuxuu uga mahad-celinayaa Gooldhaliyaha Barcelona ee Luis Suarez, kaasoo goolka furitaanka iska lahaa, ka hor inta uusan Otareeto iska dhalin Denis Cheryshev.

Edinson Cavani, ayaa wuxuu udhaliyay dalkiisa goolkii saddexaad ee ciyaarta, isagoona dhaliyay daqiiqadii 90aad ee qeybta labaad ee kulan ciyaareedkan.

Goolka xidiga PSG wuxuu ahaa mid Laad xur ah, wuxuuna ku biiray liiska ciyaartoyda illaa iyo haatan ka dhalisay tartanka Koobka Aduunka Laad Xur ah.

Inta uu socday kulankaan, gaara ahaan daqiiqadii 36aad waxaa kaarka gaduudan loo taagay laacibka lagu magacaabo Igor Smolnikov, taasoo sababtay inay Tobban xidig noqdaan xidigaha Ruushka.

Sidaasi si lamid ah, waxaa la bixiyay Kaarar Jaalo ah, kuwaasoo loo kala taagay ciyaartoy udheelaysa laba dhinac.

Natiijadaan waxay ka dhigan tahay in xidigaha Ruushka ay ku dhameysan doonan kaalinta labaad, iyagoona leh Lix dhibcood, waana Group-ka A, halka Uruguay ku dhameysan doonan kaalinta koowaad.

Xulalka kale, ee kala ah, Masar iyo Sacuudiga ayaa waxay gabi ahaanba ay isaga hareen tartanka, maadaama Group-kaan ay ka tirsanaayeen, ayna keensadeen dhibco hooseeyaan kulamadii ay dheeleen.