Turkiga dal sooyaal mug leh iyo siyaasad miisaan leh ku leh dunida Muslinka

Siyaasaddeenna qarriban iyo sedburisigeenna qalloocan aan xoogaa idinka sikiyoo, aan idin ku soo wareejiyo bar ka mid ah meelaha ay is ka galaan labada qaar ee Yurub iyo Aasiya. Dal sooyaal mug leh iyo siyaasad miisaan leh ku leh dunida Muslinka, isbahaysiga NATO, qaaradda Yurub iyo midowgeedaba.

Dalka Turkiga maanta waxaa ka dhacaysa doorasho madaxweyne iyo mid xildhibaanno oo is huwan, ka dib markii uu iclaanshay Rajab Erdogan doorasho aan waqtigeeda la gaarin, uuna soo hormarshay tii 2019 ay eheed in la qabto.

Waa doorashadii u horraysa ee dalkaa ka dhacda, sidii wax looga badalay dastuurka, oo markii hore ahaa baarlamaanteeri, lagana dhigay hannaan madaxeedka, oo afti dadweyne lagu meelmarshay, lana qabtay gugii hore.

Erdogan waxaa tartan ku la jira murashaxiinka kale, oo uu ka mid yahay Salaaxuddiin Demardaash, oo xabsiga ku jira, laguna eedeeyey BASAASNIMO, una dhashay qawmiyadda Kurdigana, waxaase ugu cadcad ragga baratanka ku la jira Muxarram Injeeh, ee xisbiga Jamhuuri.

Erdogan wuxuu ka sharrxan yahay xisbi dalka soo hagayey sanadihii u dambeeyey, kuna tallaabsaday hormarro dhaqaale, aqoon, dhisme, ciidan iyo kor u qaadid kaalinta Turki ku leedahay dariskeeda iyo dunidaba.

In uu halabuur siyaasadeed leeyahay doodi ka ma taagna, uuna yahay hoggaamiye hagid iyo hannaankeed hibo iyo haybadba u leh, haddana, waxaa aad u sameeyey dagaalka Suuriya iyo kacdoonkii Carabta oo weli raadkiisa sii dambeeyo, ayna u dheer tahay xiriirka is jiijiid ee ka la dhaxeeya, NATO iyo Yurubta oo Jarmal ugu horreeyo.

Doorashadan waxay tijaabo u tahay shacbiyadda iyo taageerada Erdogan, oo afgembigii dhicisoobay ka dib ku soo baxay HALYEY, walow, lagu dhaliilayo, in uu cabburin iyo cadaadis badan u gaysanayo mucaaradka, haddana, waxaa la saadaalinayaa, in uu wareegga koowaad ku soo bixidoono codadku haba yaraadeene, haddii kalana, wareegga labaad uu guulaysan doono, oo dhici doona maalmo ka dib, maadaama weli dadka Turkigu taageero badan u hayaan.

Meelaha ragga tartanka ku la jira iyo ururrada mucaaradka ku ah ay ka faa’iidaysanayaan iyo daldaloollada ay ka galayaan ayaa ah; shaqayarida, daynta dawladda oo sii badanaysa, qiimaha lacagta Liirada oo hoos dhacday marka Dollarka lagu sarrifayo, yaraanta dalxiisayaasha, oo amniga iyo qaraxyada loo aanaynayo, qaxootiga badan ee dalka jooga, qaarkoodna dhalasho la siiyey IWM.

Marka laga soo tago, in uu mararka qaar uu qaato go’aanno qar is ka tuurnimo ah iyo wax walba ISLAAMAYNTA, ani Bashiir ahaan waxaan u hay taageere, oo haddaan Turki joogi lahaa, xaqna aan u leeyahay, in aan codeeyo, isaga ayaan u codeyn lahaa. Marar badan waad i weydiiseen; Bashiir maxaad taageersan tahay? Marka hore, wax la taageeri karo i tusa, ka dib i weydiiya! Taa ku qanca.

Marka laga soo tago, waxa uu dalkiisa u sameeyey, aragtida ugu weyn ee aan u taageersanahay, waa waxa uu dadkeyga iyo dalkayga u qabanayo, ee kaalinta muuqata, kaabidda maal, kobcinta dhaqaale, kaalmada bulsho, korreysiinta qawmiyadeed IQKB.

Inta uu Erdogan noo qabtay qof ahaan iyo dawlad ahaanba qof ama dal kale oo noo qabtay ma jiro, waxaanna rajaynayaa, in uu sii wadidoono taageeradaa, anoo quuddarraynaya, in madax is moodkeennu gartaan danaha mugga leh ee nooga xiran Turki.

Si walba, Erdogan ha ku soo baxo codbixinta ama qof kalee, Turki waxaan u filayaa xasiilloni badan iyo hormar dhan walba ah. Baraare iyo barwaaqo ku waara. Bulsho iyo beled aamina.

Bashiir M Xirsi