Reysulwasaare 30kii sano ee lasoo dhaafay hadii lagu mashquulo 30kii horumarkaa luminaynaa !

Mudane Reysulwasaare waxaan jeclaan lahaa in aan kula wadaago dalka iyo dowladnimada aad Reysulwasaaraha katahay kama aadan billaabin meel eber ah oo 29 sano dhibaato uun hooy u ahayd.

Reysulwasaare dowladnimada maanta aad xukuumaddeeda hormuudka u tahay waxaa loo soo maray marxalado aad u culus, waxaa goob joog u ahayn Reysulwasaare madaxtooyada qaranka ee maanta iyadoo qurux badan aad lawareegtay oo la’awoodi wayay in lagu shaqeeyo iskabadaaye galitaankeedu loo marayay khattaro aad ubadan.

Reysulwasaare waxaa nasiib u yeelatay iyadoo dalka lasoo gaarsiiyay kala aragti duwnaashaha in uu noqdo Afka/Mediyaha oo laga hadlo iyadoo lasoo maray laguna soo shaqeeyay kala afkaar sababaysay iyadoo leesku
adeegsanaayo hubka nuucyadiisa kala duwan.

Reysulwasaare waxaan soo marnay Bur burkii kadib in dalkaan uu gaaro afkaaraha isdiiddan in si nabdoon looga hadlo lagana fogaado wax kasta oo waxyeelayn karta dowladnimadeena.

Reysulwasaare shacabka Soomaaliyeed waxaa dhagahooda ku dhacayay adigoo dhahaya~”Dalkaan 30 sano dhibaataa lagu haayay kuwii ku haayay ayaana wali noo diiddan horumarkii aan gaari lahayn “

Reysulwasaare markii aad xilka lawareegaysay waxaad xilka qabatay iyadoo ay kuu diyaar sanaayeen xafiisyadii iyo hooygii mansab ahaan laguugu tala galay oo aad u qurxoon.

Mudane dalkaan 30sano dhibaatooyin kala duwani way kasoo dhaceen laakin waxii lasoo maray ayaa ka dhib’badnaa inta ay xukuumaddaadu nasiibka u heshay ,waxaana laguugu wareejiyay meel ubaahan in laga sii dhaqaajiyo .

(Reysulwasaare 30kii sano ee lasoo dhaafay hadii lagu mashquulo 30kii horumarkaa luminaynaa !)

Mahadsanidiin !
Hassan Abdikadir Mudey