Ordogaan: Libaax Waraabayaal isugu tageen!

Guusha Ordogaan dad badan oo adduunka ku nool ayaa ku faraxsan, in kale oo badana waa ka naxeen oo adduunku waa ku qeybsamay odayga.
Cid walibana daneheeda ayay daba socotaa oo adduunka sama fal wax yar ayaa ka shaqeeya.
Laakin soomaalida badankeedu waxa aysan hilmaami karin booqashooyinkiisii iyo gurmadkiisii uu soomaalida u soo gurmaday.

Gurmadkaas la’aantiin soomaali hadalkeeda leeskuma soo qaadeen, ama waa yaraa lahaay.

Libaaxu in kasta oo Waraabayaal badani ay ka daba yaacayaan haddana weli ma dhicin oo waa xoogganyahay.
Dad badan waxa ay is weydiiyaan amaw odaygu ku socdaa jidkii kali-taliyayaasha oo uu waddanka wax yeeleeyaa?

Qaar kale waxa ay is weydiiyaan intee uu sii wadi karaa la dagaalanka waraabayaasha gudaha iyo dibadda ee is baheestay?

Qaar kale waxa ay leeyihiin odayga amaa xanaaqi ka tan badiyay oo uu colaad badan waddanka u abuuray?

Qola kale waxa ay leeyihiin amaa odaygu daalanyahay oo hal-abuurkiisii soo yaraaday?

Qaar sii kale waxa ay leeyihiin odaygu muu saaxibadiis uga dego hawsha waa daalanyahay dagaala badana waa galaye!

Isku soo celceli oo waa leesku raacsanyahay inta jecel iyo inta neceba intuba in uu wiilku libaax yahay!

Hassan Hundubey Jimaale