AAWAY KALSOONIDII IYO GEESIMADII SOOMAALIYA LAGU YAQAANAY?

Qofka noolaha ah mar haduu ka dhinto kalsoonida noloshaasi waxba laguma jeedo, Ethiopia, Ethopia. Ethiopia wax ay Soomaali ka qaadi karto ma jirto taariikhdana laguma haayo meel ay Soomaali uga guuleeysatay 1000 sano, ayagaaba maanta tooda haysato.

Hadii aan midoowno, dowladaha ugu awooda badan aduunka ayaa Soomaaliya waxba ka qaadi karin ama gumeeysan karin, waayo dadka Soomaaliyeed dhaqankooda iyo diintooda waxay fareeysaa inay iska difaacaan dulmi kasta oo ku yimaado, lakiin maalinta lagaa guuleeysan karo waa markeey ayaga is duleeyaan oo diidaan midnimo lagu difaacdo karaamadooda, Inta kale waxaan u arkaa been la siyaasadeeyay oo ula jeedo leh.

Hadaan u midoowdaan inaan dhoowrataan sharfkiina iyo karaamada uu ilaah idin siiyay yaa wax idinka qaadi karo? Gabadhaan Soomaaliyeed waxaa ka muuqda kalsoonidii caadada ay u lahaayeen umadda Soomaaliyeed,

Don’t insult our intelligence.

Sheekh-Nur Abukar Qaasim