Maqaal: Erdogan: Shalay qamaarkii waa ku guuleystay, maantana sidoo kale

July, 2018 wuxuu dheelay qamaar, wuxuu u bareeyay in xilkiisa oo ay sanad iyo bar uga dhiman tahy uu doorasho laga yaabe inuu ku guul daraysto uu ku baaqo. Waa markii ay mucaaradka dhaliil uga dhigeen dhaqaalaha hoos u sii dhacaya, degganaansho la’aanta siyaasadda dalka ee arrimaha Suuriya iyo caalamka kale.

June, 2007 mucaaradka xubnaha ka ahaa baarlamaanka ayaa qaadacay doorashadii murashaxii madaxweyne ee AKP Abdullah Gul. Erdogan wuxuu u baahnaa 1 xildhibaan oo dheeraad ah inuu helo. Wuu waayay. Mucaaradka ayaa codsaday murashax aan Islaami ahayn inuu keenno oo calmaaniyadda ixtiraama, xaaskiisana aan xijaabnayn. Sidoo kale maxkamadda sare ayaa mucaaradka la safatay ayagoo ay ku raacday qadacidda doorasha in ay sharci tahay. Gul wuu la noqday murashaxnimadiisa.

Erdogan hal xubin baarlamaan ah oo dheeraad ah si uu u helo ayuu xilkiisa isaga casilay, baarlamaan u kala diray, doorashana ugu baaqay ayadoo 6 bilood ay u harsan tahay muddo xileedkiisa. Haddii uu khilaafka baarlamaanka iyo maxkamadda iyo Erdogan socon lahaa ciidanka oo ku gambanaya dastuur ilaalin ayaa xukunka la wareegi lahaa.

Waxaan waqtigaasi ku noolaa magaalada Ankara oo ay dagaaladaas siyaasadeed ka socdeen. Wariyihii caanka ahaa Mehmet Ali Birand ayaa marka uu qiimeeyay mowqifka Erdogan wuxuu is weydiiyay, ” War ninka ma maskaxiyan buu u xanuunsan yahay”.

Shalay qamaarkii waa ku guuleystay, maantana sidoo kale.

Madaxweynihii Masar Maxamed Mursi oo ay mudaaharaadyo abaabulan lagu kiciyay oo lagu cadaadinayo, ayay dad kula taliyeen in uu doorasho la soo horumariyay ku baaqo si uu ciidanka marmarsiyadooda fara gelinta uga baajiyo. Asaga iyo xisbigiisa tii waa garan waayeen, waxaa Mursi iyo ikhwaanba la bahdilay ayagoo leh:

“Madaxweynaha sharciga waa aniga”.

Maxamed Siyaad Barre-na 21 sannadood oo uusan hal doorasho oo xalaal ah qaban, ayaa fowdo darteed uga tagay Villa Somalia. Marka aad weydiiso taageerayaashiisa ku doodaya shacabka in uu taageersanaa sabab uu shacabka intuu ku kalsoonaado uu doorasho u qaban waayay, jawaabtooda waxay noqotaa:

“Gadaashiisa maxaa la faa’iday?”.

Hassan Adam Hosow