Dib U Eegid: Xiddiga Keisuke Honda Oo Isku Qoray Taariikhda Asia Ee Koobka Adduunka

Xulalka Senegal iyo Japan ayaa isku dhaafi waayay bar-baro min 2 gool ah kulan ka tirsanaa kulankii 2-aad ee wareega Group-yada kulan ka dhacay garoonka Ekaterinburg Arena.

Goolasha 4-ta ah ee laga dhaliyay ayay kala dhaliyeen xiddigaha Sadio Mane Iyo Moussa Wague (Senegal) Iyo Takashi Inui,Keisuke Honda (Japan).

Xiddiga goolka 2-aad u dhaliyay xulka Japan ee Keisuke Honda ayaa isku qoray taariikhda koobka adduunka ee qaarada Asia kadib goolkii uu dhaliyay.

Keisuke Honda ayaa noqday xiddiga ugu goolasha badan koobka adduunka ee taariikhda Asia kadib goolkii uu ka dhaliyay xulka Senegal.

32 jirkan khadka dhexe ka ciyaara ayaa dhaliyay goolkiisii 4-aad ee koobka adduunka ee isaga oo ka qayb qaatay 9 kulan oo koobka adduunka ah.