Axmed Madoobe oo cafis u fidiyay maxaabiis ku eedeysnay dacwado ….

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa cafis u fiyay ku dhawaad 50 maxaabiis oo ku jiray xabsi ku yaala magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubaland.

Maxaabiistaan oo dhamaantood rag ahaa ayaa loo haystay dambiyo kala duwan laakiin madaxweyne Axmed Madoobe ayaa u fidiyay cafis iyadoona laga siidaayay xabsigii ay ku jireen.

Waxaa wali jira maxaabiis kale oo ku jira xabsiyada ku yaala deegaanada maamulka Jubaland uu ka arimiyo kuwaas oo qaar laga deeriyay xaaladooda nololeed.