Xulka Belgium oo ugu adkaaday 5-1 Xulka Qaranka Tunisia

Bilgiumka ayaa Shan gool oo ay kala qeybsadeen Romelu Lukaku, Eden Hazard iyo Michy Batsuhayi uga badiyay Xulka Afrikaanka ah ee Tunisia.

Xulka Belgium waxey xaqiijiyeen iney u soo gudbeen xilli hore wareega 16-ka ee koobka Aduunka,waxayna doonayaan inay ku soo baxaan Group-ka G kaalinta 1-aad, balse waa inay ka adkaadaan Xulka qaranka England oo ay is arki doonaan.

Xulka England Saddexda libaax waxey caawa la ciyaarayaan Qaranka Panama, waxeyna u baahan yahiin kaliya guul si ay ugu soo baxaan wareega 16-ka.

Dhanka kale xulka Tunisia waxey la yimaadeen laba gool labadii qeyb ee ciyaarta, balse marnaba kama aysan badbaadin xasuuq ay ka helaan qaranka Belgium.