Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abey Ahmed oo qarax xooggan ka badbaaday.

Warbaahinta Dowladda Itoobiya ayaa goor-dhaw baahisay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu ka badbaaday Qarax ka dhacay goob uu Khubad ka jeedinayay oo ku taala Caasimadda Dalka Itoobiya ee addis ababa.

Qaraxaasi ayaan la ogayn waxa uu ahaa noociisa, wuxuuna dhacay qaraxa in Dowladda iyo dadkii ku sugnaa Fagaarihii ay ka socotay Khudbadda Ra’iisul Wasaare Abey Ahmed Ali oo ay ku sugnaayeen Boqolaal dad ah.

Dhanka kale warbaahinta Itoobiya ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha uu ka badbaaday uu sababay in Muraayadaha ka daataan Dhismayaal ku yaalo halkii uu taagnaa Ra’iisul Wasaare Abey Ahmed , ma jirto ilaa iyo hadda warar intaas dhaafsiisan oo laga hayo qaraxaasi.