Marka aan qiimeeyay heshiiska la yiri waxa uu dhawaan dhexmaray Dowlada Soomaaliya & Dowlada Ethiopia iyo qodobada ku qoran waxaan dib isku weydiiyay dhowr qodob oo horay ii soo maray sida:-
-Dagaalkii adkaa ee lagu qaaday Prof Jawaari iyo hadal uu maalin yiri oo ahaa “Aniga waxaa la igula dagaalayaa waxaan diiday inaan saxiixo heshiisyo halis ku ah dalka “.
-Sida loo doortay Afhayeenka cusub ee Baarlamaanka oo ah masuul iyo doorashada ka dib sida uu u shiiqayay Baarlamaankii u xilsaarnaa ilaalinta sharciyada iyo heshiisyada caalamka lala galayo.
-Madaxdii maamul goboleedyada dalka maxaa aamusiyay loogana waayay wax hadla ?
-Madaxweyne Erdogan iyo Gurmadkii Turkey xagee ku dambeeyay? Sideese meel u wada galin kartaa Madaxdeenu Turkey & AUE oo aan ognahay inuu dabada ka taagan yahay Ethiopia.
Bal Saaxiibada qaaliga ahoow Salaadaasi waa isku key qaban weysaye yaa tuhunka aan qabo iga daweyn kara?
Mahadsanidiin !
Hassan Abdikadir Mudey