Baarlamaanka Puntland: madaxweyne daldhisow, Professorkii addunkoow, waxaan kaa tuugaynaa inaad laba sano oo kaliya waqtigaaga qaaliga ah naga siiso—annaguna aan kuu sharciyeyno. Sababtoo ah cid kaaga wanaagsan xilkaan ma jidhee.
Dr Gaas: walaalayaal anniga Professor baan ahay, xaaskaygu waa Professorad, labadeena waxaan qaadanaa mushaar naga farabadan. Usbuucii waxaan shaqeeyaa hal maalin. Adeerayaalow iga daaya kudarsan mayee.
Baarlamaanka Puntland: Mudane madaxweyne dalku badbaaduu u baahan yahay.
Dr Gaas: wallahi waa igu dhib, Puntland waxaan shiddo aheyn kalama kulmin, haddaad sidaas garateyn, bal waayahay; laakiin laba sanadood haka badinina kkkk
Baarlamaanka Puntland: mudane madaxweyne howshaan galeynaa qarash seddex milyan oo dollar ayaa loo baahan yahay.
Dr Gaas: war ba’aa sowtaan kal hore labada milyan iyo badhka idiin qeybiyay?!
Baarlamaanka Puntland: madaxweyne ciyaarta jooji, taasi waxay aheyd ansixinta heshiiska dekedda Boosaaso.
Dr Gaas: qarashmahayo.
Baarlamaanka Puntland: aaway labaatankii milyan ee aad DP world biya cabaalka innooga soo qaadday?
Dr Gaas: war bal waayahay, howsha innaga soo dadajiya.
Cabdicasiis Carab