Deg Deg: Al-Shabaab oo weerartay Ciidamo isugu jira Soomaali iyo kuwa AMISOM oo marayay duleedka Deg. Afgooye

Wararkaka imaanaya Degmada Afgooye ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Al-Shabaab goor-dhaw weerar culus ku qaadeen Ciidamo isugu jira Soomaali iyo kuwa AMISOM oo marayay duleedka degmada Afgooye ee Gobalka Sh/Hoose.

Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in Dagaalka uu ka dhacay deegaan qiyaastii 7-10 KM u jira degmada afgooye waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Gawaarida Ciidamada AMISOM oo laba ah ayaa ku gubtay waxaana sidoo kale ay Al-Shabaab wateen Baabuur kale oo kalanyada ka mid ahaa.

Ciidamada Soomaaliya ayaa la sheegay inay Galbinayeen Kuwa AMISOM ayaa khasaare soo gaaray Gaadiidna laga qabsaday, saraakiisha ammaanka ayaa sheegay inaysan wali heynin xog intaan dhaafsiisan goobta uu weerarka ka dhacay.

Dhankakale deegaanka ay Al-Shabaab weerarka ka fuliyeen ayaa horay sidaan oo kale weerar Qarax miino ay ka geystay, iyadoo halkaasi Al-Shabaab ay ku dileen Mudanayaal ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulada HirShabeelle iyo Koofur Galbeed bilaawgii sanadkaan.