Brazil oo si dirqi uga badiyay Costa Rica iyo Neymar oo ooyay markii ay ciyaarta Dhamaatay+Sawiro

Xulka Brazil ayaa uga badiyay si dirqi ah xulka Costa Rica, kadib markii laba gool oo ay kala dhaliyeen Philippe Coutinho iyo Neymar Junior daqiiqadihii dheeriga ahaa ee lagu daray Ciyaarta.

Rajada ay Brazil ka leeyahiin inay u soo baxaan wareega 16-aad ee koobka Adduunka ayaa soo muuqata, waxeyna yimaadeen goolashaas ay ku badiyeen waqti aan caadi aheyn oo ay qof walba indhaha ku heysay halka ay kubadda mareysay.

Ciyaaryahan Coutinho ayaa si tartiib ah kubad shabaqa u dhex dhigay, waana goolkiisii 2-aad ee Koobka Aduunka, halka Neymar uu kubad hadiyad ah ka helay Douglas Costa isagoo si tartiib ah shabaqa kubadda ugu leexiyay.

Xulka Brazil hadda waxey ka horeeyaan Serbia oo 3-dhibcood ka soo qaadatay Costa Rica, balse goor dhaw la ciyaari doonta Switzerland.

Daqiiqadii 90-aad waxaa gool dhaliyay Philippe Coutinho, iyadoo uu baas madaxa ah ka helay Farmiino, wuxuuna kubadda ka hoos bixiyay Keylor Navas, sidoo kale Neymar Junior ayaa shabaqa taabsiiyay goolkiisii koowaad ee koobka Adduunka iyo kii labaad ee Brazil, kadib markii uu si tartiib ah shabaqa ugu leexiyay kubad uu ka helay Douglas Costa.

Dhanka kale Costa Rica waxey u muuqdeen kuwa aad u feejigan maadaama ay ka warqabeen iney isaga hari doonaan tartanka hadii ay guuldaro la kulmaan maadaama ay kulankii hore guuldaro ka soo qaateen Serbia.