Qiimaynta Ciyaartoyda Xulalka Qaramada Spain & Iran Ee Kulankii Ay La Roja Guusha Gaadhay-Kumaa Ahaa Xidigii Garoonka?

Xulka qaranka Spain ayaa guul muhiim ah ka gaadhay Iran waxayna guushani La Roja ka caawisay in ay dhibco iiyo goolal isku mid ah wadaagaan xulka qaranka Portugal oo isna guul ka sii gaadhay Moroco, waxayna tani la micno tahay in kulanka saddexaad ee Iran iyo Portugal uu noqon doono kulanka ugu xiisaha badan Group B ee hadhsan maadaama oo Spain ay la ciyaari doonto Morocco oo aan waxba u tartamayn.

Natiijadii 1-0 ka ahayd ee ay Spain ku garaacday Iran waxay ku biirtay isla natiijooyinkii la midka ahaa ee ay Uruguay iyo Portugal isla maanta kaga badiyeen Saudi Arabia iyo Morocco sida ay u kala horeeyaan waxayna taariikhdan ku biirtay June 25 1982 (3 kulan) iyo June 23 2010 (3 kulan) oo koobka aduunka ay hal maalin saddex kulan ku dhamaadeen isla natiijooyinkii maanta oo kale.

Xulka qaranka Iran ayaa markii ugu horaysay 14 kulan oo koobka aduunka ah waxay ku fashilmeen in ay hal bartilmaameed oo goolka ah sameeyaan laakiin waxay noqotay markii ugu horaysay ee 20 kii kulan ee koobka aduunka ee Russia 2018 la soo ciyaaray aan wali la  arag hal kulan oo ku dhamaaday babraro gool la’aan ah waxaana ugu danbaysay rekoodhkan oo kale 1954 kii.

Haddaba waxaanu halkan idiinku haynaa qiimayntii ciyaartoyda labada xul qaran ee Spain iyo Iran iyada oo ay jireen xidigo gaar ah oo bandhig muhiim ah sameeyay inkasta oo ciyaartoyda labada xul qaran ay ciyaar aad u saraysa soo wada bandhigeen.

XIDIGII GAROONKA: Fransisco Isco ayaa noqday xidigii garoonka isaga oo hadda lagu sifayn karo xidig heer sare ah oo ka mid ah kuwa kubbada cagta ugu fiican, wuxuuna ku raaxaysanayaa fursada joogtada ah ee uu shaxda xulka qarankiisa Spain ka helay.

Isco ayaa 137 jeer kubbada taabtay wuxuuna bixiyay 103 baas isaga oo dhamaystiray boqolkiiba 92% halka uu isku dayay 9 gambis wuxuuna soo tuuray 7 karoos halka 4 darbo uu ku dayay dhinaca goolka Iran waxa uu sameeyay 2 taakal wuxuuna abuuray hal fursad gool dhalineed.

David Silva ayaa sidoo kale sameeyay bandhig fiican laakiin 22 kii xidig ee labada xul qaran kulankan ugu soo bilawday ayuuna jirin hal ciyaratoy oo fashilmay taas oo muujinaysa dadaalka ay laba xul qaran sameeyeen.

QIIMAYNTII CIYAARTOYDA LABADA XUL QARAN EE KULANKAN:

Iran: Beiranvand (6), Safi (6), Pouraliganji (6), Hosseini (6), Rezaeian (7), Ezatolahi (7), Ebrahimi (7), Ansarifard (7), Amiri (7), Taremi (7), Azmoun (7).

Badalkii: Mohammadi (5), Jahanbakhsh (4), Ghoddos (n/a).

Spain: De Gea (6), Alba (7), Ramos (7), Pique (7), Carvajal (7), Inietsa (7), Busquets (7), Vazquez (7), Isco (8), Silva (8), Costa (7).

Badalkii: Koke (4), Asensio (4), Rodrigo (n/a