Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ku sii jeeda dalka Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku sii jeeda Magaaladda Addis-ababa ee dalka Itoobiya, halkaasi oo uu uga qeyb galayo shir aan caadi ahayn oo madaxda waddamada IGAD ay isugu imaanayaan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in casuumaaddii shirka ay soo gaartay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana la filayaa in wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo ay maanta gaaraan Addis-ababa.

Shirkan IGAD oo ka baxsan shirarkoodii caadiga ahaa ayaa waxaa madaxda ururku ay uga hadli doonaan xaaladda amni ee Koonfurta Suudaan oo ay ka soo korortay xaalad amni xumo, kadib markii ay markale is faham la’aan soo dhex gashay dowladda South Sudan iyo kooxaha mucaaradka ku ah.