Somaliland oo Boqor Buur Madow oo maanta xabsiga ka sii daysay.

Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxay sheegayaan in maanta la sii daayay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow) oo horay Maxkamad ku taalla Magaaladaasi ay saddex sanno oo xabsi ah ugu xukuntay.

Saxafiyiinta ku sugan Magaalada Hargeysa ayaa xaqiijiyay in 60 maalmood kadib maanta xabsiga laga siidaayay Boqor Buurmadow.

Dhanka kale Somaliland waxay horay ugu eedeysay in uu ka soo horjeedo madaxbaanida Somaliland, Boqor Buurmadow ayaa kaga qayb-galay degaanka Carmo ee Puntland Caleemo-saarka Beel-Daajiye cusub, waxaana xukunkiisa lala xiriirinayaa hadal uu ka jeediyay munaasibaddii caleemo saarka Beel- Daajiyahaasi.