Sarkaal dilay Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda oo Dil Toogasho ah lagu xukumay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda Ciidamada hor keenay dacwad ka dhan ah Xidigle Xoogga Dalka Mowliid Cali Cabdi oo dil bareer ah u geystay Ex, Dable Axmed Nuur Xuseen oo ay ka wada tirsanaayeen Urur ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Cadaymihii laga qoray eedeysanaha ayaa waxaa horkeenay Maxkamadda Xeer ilaalinta, qoraal dhimashada marxuumka ay qolyaha caafimaadka ku cadeeyeen dhimashada, qorigii lagu dilay iyo laba askari oo goob joog u ahaa falkaasi.

Qareenkii difaacayay eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha dambiga geystay uu difaacayay naftiisa isagoo qiil kaga dhigay inuu ka da’weynaa, balse ay ka xun yihiin wixii dhacay oo dil ah taa bedelkaadna ay diyaar la yihiin Diyada Marxuumka.

Garsoorayaasha Maxkamadda oo eegaya eedda Xeer Ilaalinta, Cadeymaha Warqadaha Dhimashada, Marqaatiyaasha, qorigii lagu dilay Marxuumka iyo qiraalka uu ka hor cadeeyay Maxkamadda ayaa go’aan ku gaaray In Mowliid Cali Cabdi uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, waxayna Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Dil-Toogasho ah oo ah Qisaasta Ex, Dable Axmed Nuur Xuseen iyadoo sidoo kale ka xayuubisay Darjadii Ciidan uu lahaa, sida uu u sheegay Warbaahinta Garsoor G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Dhanka kale dambiilaha dil ka geystay waxaa u furan Rafcaan oo u qaadan karo Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda.