Rag Ka Tirsan AlqaaciddaOo 1 Million la Dul Dhigay

Sida uu daabacay wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya ayaa sheegaya in ciidanka Booliska dalkaasi ay baadi goobayaan dad fara badan oo lala xariirinayo in ay qeyb weyn ka qaateen weerarkii bishii February aynu kasoo gudubnay ka dhacay deegaanka Qarsa oo hoos yimaada magaalada Wajeer ee waqooyi bari dhulka Soomaaliya ee ay maamusho dowladda Kenya, kaa oo galaaftay nolosha  in ka badan Sadax ruux halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Mumina Eroba oo ah hooyada dhashay Abdiwahab Osman Ahmed ayaa la sheegay in wiilkaasi uu ahaa xubintii ugu weyneyd ee suura galisay weerarkaasi lagu qaaday deegaanka Qarsa, iyadoona labo kamid ah dadkaasi la dilay ay ahaayeen Macalimiin wax ka dhigayay School ku yaalla deegaankaasi.

Dhanka kale ciidamada Booliska Kenya ayaa sidoo kale 1 Million oo shilinka Kenya ah dul dhigtay dad looga shakisan yahay in ay qeyb ka qaateen weerarkaasi iyadoona la shaciyay qar kamid ah dadkii lacagta la dul dhigay oo ay kamid yihiin Ahmed iyo sidoo kale Ahmed Debar sida ay sidaasi waxaa warbaahinta u xaqiijiyay gudoomiyaha Wajeer dhulka Soomaaliya ee ay maamusho dowladda Kenya.

Taliyaha ciidamada Booliska deegaanka Qarsa ayaa carabaabay in Abduwahab Osman uu ka ahaa macalin dugsi ku yaala Xaafada Halane gaara ahaan masjidka Taqwa intii u dhaxeysay 2014 kii ilaa sanadii 2016 kii intaas kadibna sanadii 2017 dii bishii march la rumeysan yahay in uu soo aaday Soomaaliya si uu uga bar bar dagaalamo garabka Alqaacidda Soomaaliya ee Al shabaab.

Ciidamada Booliska ka deegaanka Waqooyi Bari dhulka soomaaliya ee Kenya ayaa usheegay dadka deegaanka in ay la soo xariiraan hadi ay arkaan dadkaasi loga shakisan yahay in ay xubin muhiim ah u ahayeen weerarkaasi bishi February kadhacay deegaanka qarsa ee dagmada Wajeer