Maxaad kala socotaa Isbadalka siyaasadeed ee kadhacaaya Turkey ga dhawaan

Dalka aan walaalaha nahay ee Turkey ga ayaa waxaa kusoo wajahan doorasho oo ay dadkiisa udareeri doonaan 24 ka bishan hadii rabbi idmo doorasho taariikhi ah oo ay marki ugu horeysay taariikhda Turkey ga Hal maalin oo qura lawada dooran doonaa Madaxweynaha dalka uu yeelanayo Iyo Xubnaha Baarlamaanka dalka, iyadoo marki hore lakala dooran jiray xiliyo kala duwan. Doorashadan ayaa ah mid isha lagu wadahaayo gudaha Iyo dibada turkeyga waxeyna bog cusub ufureysa siyaasada iyo taariikhda dalka aan walaalaha nahay ee Turkey ga.

2017 Waxaa dalka turkey ga cod loo qaaday qaanuun ama tastuurka dalka yeelanayo kaa oo awoood dheeri ah siin doona Madaxweynaha kuguuleysta doorashada soo socota iyadoo dadka ucodeeyay Haa 51.41 halka intakalana ucodeeyeen maya 48.59. Nidaamkan cusub ayaana siinaya madaxweynaha awood dheeri ah.

Qaab dhismeedka Dowlada turkey ga ayaa ah ama udhisan hada sidan:

1- Hayada Sharci dajinta
2- Hayada Fulinta (Madaxweynaha, Raisul-wasaaraha Iyo Wasiirada.
3- Hayada Cadaalada

 

Waxaana xisbiga kuguuleesta kuraasta ugu badan ee Baarlamaanka marki hore uu maamuli jiray aqlabiyada Baarlamaanka Iyo Hayada Fulinta iyadoo Madaxweynaha dhexdhexaad kayahay xisbiyada oo dhan waxaase si madaxbanaan howshooda uwadanjiray Hayada Cadaalada.

Balse nidaamkan cusub oo ay hada rabaan in ay uguuraan ayaa baabi’inaya kursiga Raisul-Wasaaraha waxaana howshiisa lawareegaya Madaxweynaha oo isku noqonaya Madaxweynaha Jamhuuriyada ahna madaxa laanta fulinta ama xukuumada. Wuxuuna Madaxweynaha soo magacaabayaa Madaxweyne kuxigeenka dalka, golaha wasiirada Iyo xubnaha sar sare ee u adeegayaasha bulshada (Civil Servants) waxaana xilli shaqeedka xafiiska Madaxweynaha cusubi noqonayo 5 ta sano ee soo socota. Sidoo kale wuxuu Madaxweynaha awood uyeelanayaa soo jeedinta Budget ka Dowlada kushaqeyneeso (Budget proposal) isagoo ugudbinaya fadhiga Baarlamaanka oo uu uga baahanayo umeel marin.

Nidaamkan cusub ayaan uga baahandoonin Madaxweynaha dhexdhexaadnimo xagga xisbiyada ah maadaama uu isku yahay Madaxweynaha ahna Madaxa xukuumada iyadoo nidaamki hore madaxa kuxuumada ufasaxayay kushaqeynta ajandaha xisbigiisa midkan cusub na uu taa kala simanyahay.

Waxaa iyadana muhiimad gaara leh oo nidaamkaan cusub madaxweynaha awood usiinayaa in Madaxweynaha kala diri karo xubnaha Baarlamaanka inta lagu guda jiro xilli shaqeedkooda waxaase kadhalanaya in isagana uu labaxo waa madaxweynahee maadaama nidaamkan cusub dhigayo waxaa hal maalin oo qura lawada dooranayaa Madaxweynaha Iyo Xubnaha Baarlamaanka taa oo markale uhorseedeysa Madaxweynaha inuu doorasho cusub soo galo isagana.

Waxaa sidoo kale Baarlamaanka Turkeyga lagu soo kordhin doonaa kuraas dheeraad ah oo gaaraya 50 kursi waxeyna wadarta guud ee Baarlamaanka turkeyga noqoneysaa 600 oo Xildhibaan halka marki hore uu Ka ahaa 550 mudane.

Waxaa iyana meesha kabaxaaya sameynta Maxkamadaha Military ga iyagoo loo isticmaali doona qaadista Iyo anshax marsiinta Xubna ciidamada oo kaliya waxaana howshoodi kale oo dhan lawareegaya maxkamadaha rayidka.

Waxaa kuguuleysanaya Madaxweynaha cusub ee turkeyga Musharixi hela 50% codadka ladhiibtay.

Waxaan Allaha Sw ka baryayaaa inuu guul uga soo hooyo Aabaha iftiinka Soomaaliya Mudane
Recep Tayyip Erdogan.

Fadlan uduceeya una muujiya garab istaagiina anigoo idin leh waliba marka ay natiijada doorashada Madaxweyne Erdogan soo baxdo in laga dareemo Guud ahaan gayiga Soomaalida oodhan dunidana dareento meesha uu naga joogo isaga Iyo shacabkiisaba.

Qore: Abdirahman Adan Osman (Kampala)