Fiqi ”Wareysigii madaxweynaha waxay u ekeed is-xayaysiin iyo is-faanin u muuqaal eg tii ololaha doorashada…

Waxaan daawaday waraysigii madaxweynaha si buuxda, inkastoo uu u muuqday mid su’aalo uu soo xushay is-weydiiynayey haddana isaga jawaabayey, balse waxey dhaantay aamusnaantii dhici jirtay marka xaalado sidaan oo kale ah dalku galo, waxaa uu hadalkiisu intiisa badan uu ahaa marin-habaabin u badan is-xayaysiin iyo is-faanin u muuqaal eg tii ololaha doorashada uu ku galay oo kale ah, gaar ahaan marka uu ka hadlyayey musuqmaasuqa, kooxaysiga, amniga & siyaasadda arrimaha dibadda iyo dhaqaalaha oo sida uu uga hadlay caksigeeda u jirta, caddaymaheeda la hayo.

Madaxweynaha waxaa laga dhowrayay in uu umadda ka dharjiyo heshiiskii degdegta ahaa ee shakiga badan uu ku hareersanaa ee uu la galay walaalkiis Abiy Axmed raysulwasaaraha cusub ee Itoobiya, oo uu ku soo koobay in dekeduhu dhaqaale u baahan yihiin, dhaqaalahaasna aan Soomaaliya iyo Itoobiya midna haysan oo qolo saddexaad laga dhowrayo, oo ah hadal u fasirmaya shirkad ay wada samaysanayaan laba qof oo sabool ah oo qolo kale lacagteeda ku tashanaya.

Mudane madaxweyne, Soomaaliya waa la gartay sabool ha ahaato, laakin badda dekedaha laga samaynayo ayey leedahay, Itoobiya oo aad rumaysan tahay in aysan haysan dhaqaale ay dekado ku maalgashatana heshiis ayaad arrinkaas kala gashay, isla markaana aad ku tilmaantay aragtidaas dhaqankii siyaasadeed ee dalka ka jiray oo aad bedeshay, mudane, haddii siyaasadda Soomaaliya lagu eedeynayey Itoobiya in labaatankii sano ee la soo dhaafay ay jahwareerisay, faragalinna ku haysay, aragtidaadu (vision) ma in dhaqaalihii Soomaaliyana iyo dekedaheediina loogu daraa.

Aragtidaada cusub iyo dhaqanka siyaasadeed ee aad bedeshay ma in magaalooyinka Soomaaliya qunsuliyado Itoobiya leedahay aad fasaxdaa in laga furo, xataa haddii magaalooyinkaas uusan ku sugnayn hal muwaadin oo Itoobiyaan, mase arrinta midaynta labada dal ayey qeyb ka yihiin oo waxay siinayaan dadka Soomaaliyeed ee deegaanadaas ku nool dokumintiyada iyo kaararka waddaninimo ee Itoobiya.

Waxaa lala yaabay mar madaxweynuhu uu ku faanayey in bishii Ramaadaan aan hal qarax dhicin, waa wax fiican, umaddana Allaha ka haayo, ciidankeenuna waa mahadsan yihiin, laakin waxaa muuqata madaxweynuhu inuu dhibaato ku qabay oo malaha hurdada ay ka qasi jireen qaraxyadu ee aysan u muuqan boqolaalka qoys ee reer Muqdisho ee dadkoodii ay jeclaayeen la laayey bishii Ramadaan oo uusan xitaa u quurin inuu u tacsiyadeeyo.

Abiy Axmed markii uu Adis Ababa ku noqday waxa uu sheegay in taariikhda colaadaha ka dhexjira Soomaaliyaa iyo Itoobya uu eedeeda dusha uga tuuray hogaamiyaashii hore ee labadaas dal ee kala ahaa AUN Siyaad Barre iyo Mingisto, ayadoo aad moodid kooxaha sax weeye iyo been ma sheegayaasha villa Somalia in ay arintaas buunbuuninayaan, laakin arrimaha labada dal ka dhexjira waa ay ka qoto-dheer yihiin intaas, tusaale ahaan; dagaalkii 77 -78 tirakoobka khasaarihii nafeed ee ka dhashay sida uu u qorayo buugga dagaaladii Soomaaliya iyo Itoobiya ee uu qoray Prof. Faarax Qare, dhimashada Itoobiya 6,133 qof, dhaawaca 10,563, qabasho/lumis 3867, dhanka Soomaaliya: dhimasho 6,453, Dhaawac 2,409, Qabasho/lumis 275.

Haddaba haddii taariikhdaas hore ay sidaas tahay, Abiy Axmed xisbiga uu ka tirsan yahay ee Raysulwasaaraha ka dhigtay ee la yiraa: Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF) intii uu dalkaas ka talinayey wuxuu Soomaaliya ku soo qaaday duulaankii 2006 -2008, khasaaraha nafeed iyo dhibka ay ka geysteen Soomaaliya wuxuu ku shan jibaarmaa midka 77 -78 dhacay, oo waxaa dhimashada lagu qiyaasaa in ay u dhexeysay 20 – 25kun oo qof, dhaawac aan intaas ka yarayn iyo dad ka badan hal malyan iyo bar oo ku barakacay, welina dhibkaas raadkiis waa jiraa, Muqdisho oo aad maanta ku walaalaysanayso hogaamiyaha xisbigii dadkaas xasuuqay ayuuna dhibka ugu badan gaaray, dhibkaas umadda gaaray iyo kuwii ka horeeyeyba kuma soo gabagaboobayo walaal oo aad tiraahdo kuwii ka danbeeyey, ee waxaa lagaaga baahan yahay aragti hogaamineed oo ka turjumaysa dareenka dadka Soomaaliyeed, wadahadal intaas ka qoto dheer iyo ka xisaabtan wixii dhacay!!

Ahmed Mocalim Fiqi