Wararkii ugu dambeeyay Ciidamada AMISOM oo maanta ka hor istaagay inuu galo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo xubno la socday oo sogootinayay xilli maanta uu ka dhoofayay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyadoo ciidamada AMISOM ay ku xayireen afaafka hore ee laga galo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxa Aqalka sare Cabdi Xaashi oo maanta u duulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ciidamada AMISOM waxay ku celiyeen aga gaarka Garoonka gaar ahaan dhanka Madiina Gate ee mas`uuliyiinta dowlada ay ka galaan Garoonka.

Ciidamada AMISOM ayaa sheegay inaysan ogolaansho u heysan in Kolonyada Guddoomiyaha Aqalka sare oo ay wehliyeen Ilaaladiisa ay gudaha u galaan Garoonka, waxayna taasi keentay is maandhaaf iyo muran dhex maray labada dhinac.

Waqti kadib Saraakiisha Ciidamada Booliiska yayaa arinta soo dhax galay waxaana ugu dambeyn fasaxeen Guddoomiyaha si uu ugu duulo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay ogolaansho u heysataan kaliya Kolonyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka inay geli karaan garoonka, iyagoo aan la baarin, maadaama amnigooda ay qeyb ka yihiin Ciidamo AMISOM.

Dhankakale Aqalka Sare ayaa kulan degdeg ah oo arrinta xayiraada Guddoomiyaha uu ka yeeshay waxay ku cambaareeyeen falkaas tacadiga ah, waxayna ka dalbadeen AMISOM inay jawaab degdeg ah ka bixiyaan.