Madaxda Urur Gobaleedka IGAD oo shir deg deg ah ku yeelanaya Itoobiya.

Waxaa lagu wadaa in dhawaan ay shir deg deg ah oo ka dhacay Dalka Itoobiya isugu yimaadaan Madaxda wadamada Urur gobaleedka IGAD.

Arrimaha shirkaan looga hadli doono ayaa waxaa ka mid ah xaaladda South Sudan, waxaana ka qeyb gali doono Madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa ka mid Dowladaha hor kacayo xal u raadinta Wadanka Koofurta Suudaan,waxaana lagu wadaa in wafdi heerkiisu sareeyo ay u dirto Dalka Itoobiya oo dhawaan shirkaasi deg dega ah uu ka dhici doono sida laga helaayo Madaxtooyada Soomaaliya.