JAHAWAREER SIYAASADEED OO SOO WAJAHAY MADAXDA IYO SHACBIGA SOOMAALIYED

Kadib booqashadiisii Ra’iisul wasaaraha Itoobiya abiy Ahmed waxaa Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed soo wajahay Jaha wareer Siyaasadeed oo si weyn ugu wareereen dhamaantood. kaasoo ka dhax abuuray Qilaaf iyo in lagu kala aragti duwanaado heshiiskii Isfahamka amo MOU ee ay wada saxiixdeen Madaxweyne Farmajo iyo Ra’iisul Wasaare Abyi.

Heshiiskaasi wuxuu ahaadaba ma lala socodsiinin xubnaha Golaha Wasiirada Baarlamaanka iyo Aqalka sare midkoodna wax badan ma kala socdaan. Warar aan la xaqiijin waxay sheegayaan in xitaa Ra’iisul Wasaare Kheyre aanu wax badan ka ogeyn inkastoo qaar kale ay ku doodayaan inuu isaga ka soo shaqeeyay goor hore oo sii horeysay.

Wax kastoo ay tahay hal arrin baa xaqiiqa ah in mugdi uu keenay heshiiskaasi.

Kadib markuu Ra’iisul Wasaare Abyi uu ku laabtay dalkiisa wuxuu idaacadaha ka sheegay in ay muhiim tahay in la iloobi colaadii Mingistu iyo Siyaad Barre oo Midow la sameeyo sidi tusaale USA, EU iyo UEA.

Hadalkaasi culeys hor leh ayuu Dowladda soomaaliyeed uu ku keenay ileen laguma xus in isfgarad ka Muqdisho lagu gaaray.waliba wuxuu Ra’iisul Wasaare Abyi Baarlamaanka Itoobiya ka sheegay in Madaxda soomaalida uu kula heshiiyay in dhawaan ay Midoobi doonaan labada Dal taasoo Muwaadiniin soomaaliyeed oo fara badan ka careysiisay.

Dhinaca kale mugdi ayaa ka dhax dhashay Milkiilayashi Dowladda waxaana iyana shaki badan uu ka dhashay joogtaankii wiilka dhaxalka iska leh ee Maxamed Bin Zayid ee Dalka Imaaraatka oo Wararka sheegayeen in hal Bilyan Bangiga loogu shubay Itoobiya loons balanqaaday Balaayiin kale si uu ugu kala dab qaado Imaaraatka iyo dowladda soomaaliyeed taasoo haddii ay suurtagasho daaqada ka saareyso Fahad iyo Qadar iyo Turkiga oo ku lifaaqan.

Arrintu ma sahlana waa ciyaar siyaasadeed oo qatar teed wadata Ciddii laga dhaliya Goolka aanu dib dambe usoo noqon doonin.

Shacbiga waa uu ku jaha wareeray Cid xogta hoose la socodsiisa ha noqoto dowladda amo saxaafad wax lafagurto oo wax barbaara ma jirto sidaas aawigeedna wey ku kala qeybsameen waxay noqdeen Sadax qeyb ood qolo taageertay isfgaradka si duuduub ahna u liqay,qaar diiday oo u arkaa qatar iyo in laga qariyay ariirtan Midowga haba ugu badnaadeen mucaaradka oo ka dhax arko in dabin loogu soo dhacay.iyo qolo kale oo walwal meel la fadhiya iyagoo ka fakaraayaa waxa ay arintan la Iman doonto.
Hadaba aan gunaanadkeyga isku weydiiyo arrintan yey faa’ido weyn iyo guul siyaasadeed ugu jirtaa?
Hadaan aniga ka jawaabo su’aashaas waa aragtideyda gaaban waxay faaido aan qiyaasa Laheyn ugu jirtaa Itoobiya oo ciyaartay ciyaar la yiraa 2 iyo 0,amo laba iyo af laay.

Haduu hirgalo afgaradkan waa u guul, hadduu hirgali waayaan waa u guul waxayna sugeyeysaa na tii jadå iyo saameynta ka soo if bixi doonta khilaafka arrintan.

Fadlan Ra’yigaada ka dhiibo adigoo si nadiif ah u dhiibaayo fakar kaada.

Amb Abdirahman Nur Diinaari