Ciidamada Kumaandoska Soomaaliya oo Al-Shabaab ka saaray Deegaano dhowr ah oo ka tirsan J/Hoose.

Wararka ka imaanaya Gobolka J/Hoose ayaa sheegaya in Tuulooyin ka tirsan Deegaanka Baar-Sanguuni laga saaray Maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii Ciidamada Dowladda ay awood u yeeshheen inay la wareegaan deegaano dhowr ah.

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday dhowr Tuulo waxaana la sheegay in Al-Shabaab ay ka baxeen tuulooyinkaasi markii ay la kulmeen dagaalo qaraar oo ay soo qaadeen Milateriga Soomaaliyeed.

Wararku waxay sheegayaan in dagaalkaasi ay ka qayb qaateen Ciidamo Maraykan ah, goobaha la qabsaday wali waxaa ku sugan Ciidamada Dowladda ee weerarka qaaday.