Yaa loo doortay xiddiga garoonka kulankii Belgium vs Panama?

Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa ku dhawaaqay laacibka ku guulaystay xiddiga garoonka ee kulankii Belgium iyo Panama.

FIFA ayaa u dooratay Romelu Lukaku laacibkii ugu fiicnaa kulankii Belgium iyo Panama kadib markii uu dhaliyay 2-gool.

Xulka qaranka Belgium ayaa 3-0 uga adkaaday xulka qaranka Panama, Romelu Lukaku ayaana soo bandhigay qaab ciyaareed fiican.