Xuseen Caydiid 10 sano ka hor: ”Anaga iyo Itoobiya Walaalo aan nahay hal baasaboor…”

”Inaga iyo Itoobiya Walaalo ayaan nahay hal Baasaboor ayaana yeelaneynaa,sidoo kale hal ciidan ayaan yeelanaynaa, xuduuda inaga dhaxeysana waan baabi’naynaa”

Sidaas waxaa yiri mudo haatan toban sano ka badan laga joogo Xuseen Ceydiid oo Ra’iisal wasaare ku xigeen iyo wasiirka arimaha gudaha soo noqday sidoo kalena ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii soomaalida.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ku hadlayay afka Amxaariga ayaa isaguna sidan yiri:

“Hal dal oo mid ah ayaan noqonaynaa annaguna dekad la’anta ayaan ka baxeynaa iyaguna dakadahooda hal markab uu ka muuqdo ayay dhaqaale ka helayaan. Weligeen inaan Siyaad Barre iyo Mengistu wixii dhex maray ka sheekeyno ma aha”

Haddaba Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo midka uu horey u sheegay Xuseen Ceydiid waxaa ka muuqata in qorshe mudo dheer laga shaqeynayey uu jiro oo Soomaaliya lagu darayo Itoobiya waana arin halisteedu ay aad u culus tahay shacbiga soomaaliyeedna looga baahan yahay in ay aad ugu baraarugaan kana hor tagaan arintan.

Jawaabta Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya arintan uu ka bixiyey kuma filna ummaddu, sida Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya shacbigiisa ula hadlay waa in Madaxweyne Farmaajo uu isaguna shacbiga soomaaliyeed soo hor istaagaa oo uu si faah faahsan uga hadlaa arintan xasaasiga ah. Oo aan bartiisa fc an ka soo qatay wariye ruk cadaa ah Cabdulaahi Nuur kolombo Dabacadii bashiir jiidaal baroow

Bashiir Jiidaal Xaaji