Shaqaalihii ugu badnaa oo laga eryay Madaxtooyada Villa Somalia

Inkabadan konton ruux oo isugu jira rag iyo dumar kana mid ahaa shaqaalaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa mar qura laga eryay kadib sanado badan oo ay ka shaqeenayeen qeybaha kala duwan ee Madaxtooyada.

Shaqaalahan laga eryay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka shaqeynayay qeybaha kala duwan ee Madaxtooyada sida Nadaafada, Cunto kariyaal iyo qeybo kale oo kamid ah Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in  shaqaalaha laga eryay Madaxtooyada Soomaaliya ay hore ugu soo shaqeeyeen xiliyo adag.

Shaqaalaha laga eryay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya lagu lagu armay Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumada Soomaaliya in ay u wareejiso Wasaarado iyo Hay’adaha kale ee dowlada Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Kuxigeenka Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu amray in shaqaalaha laga eryay xarunta Madxatooyada si deg deg ah kusoo celiyaan kaararka aqoonsiga Madaxtooyada hadii kale laga qaado doono talaabo sharciga Waafaqsan.