Muwaadiniin Ay Soomaali Ku Jirto Oo Xabsiga Tanzania la dhigay

Ciidamada Booliska dalka Tanzania ayaa sheegay in ay xabsiga dhigeyn dhalinyaro qaab aan sharci aheyn ku soo galay dalkaasi isla markaana baaritaan xoogan uu ku socdo dadkaasi.

Laamaha amniga dalkaasi ayaa Dadkan lagu eedeeyay sida sharci darada ah iney ku galeen Tanzania ayaa waxaa tiro ahaan lagu sheegay 6 ruux kuwaa oo kasoo kala jeeda dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia kuwaa oo haatan ciidamada amaanka dalkaasi ay sheegeyn in ay gacanta kuhayaan.

Dhanka kale liiska magacyada raggan lagu eedeeyay falkan aya magacyadooda lagu kala sheegay Abraham Adoise (24), Abete Eramo (23), Beyene Abute (25) Abshir Aboulah (17), Mahad Ahmad (14) iyo sidoo kale Ahamed Mohamed (26) sano jir ah .

Taliyaha ciidamada Booliska dalkaasi Jonathan Shanna oo shir jiraa’id qabtay ayaa warbaahinta uxaqiijiyay in lixdaasi qofood lagu qabtay magalada Msalabani ee dagmada Bagamoyo ee Tanzania.

Taliyaha oo sii hadlayay aya carabaabay in uu aad ugu mahad celinayo ciidamada amaanka ee dalkaasi ee gacanta kusoo dhigay raggan documentiyada been abuurka ah kusoo galay dalkaasi isla markaana su’aalo laga weydin doono sababta rasmiga ah ee ka dambeesa arintan.

Guud ahaan waxaa bishii Ramadaan ee aynu ka soo gudubnay aad loo adkeyay amniga iyo dhanka soo galootiga dalkaasi kadib markii saraakiisha amaanka dalkaasi ay digniino kala duwan udireen ciidamada amaanka guud ahaan Tanzania in si wanagsan loo’ilaaliyo amniga guud ee dalkaasi