Maqaalkii Shiiqaalow: MARADII GADUUDNEYD MA LA TABEY MISE WAA LA HILMAAMAY?

Boqor Thabit, kabtanka G/Banaadir, Ra’iisul Wasaaraha soo socda, siyaasiga Soomaaliya, xiddiga Xamar, miskiin u kaalmeeyaha Muqdisho iyo ereyo kale oo amaan u badan ayay huwan jireen taageerayaashiisa, waa la kool-koolin jirey, sacab iyo sawaxan ayaa lagu soo dhaweyn jirey marka muuqiisa la arko, farxad, jaceyl iyo kalsooni ayaa loo muujin jirey.

Wax ka yar Hal sanno ayuu hogaaminayay maamulka G/Banaadir hase yeeshee taariikh wanaag u badan ayuu ka tagey, shaqooyin lagu amaani karo ayuu qabtay intii uu xafiiska joogay, isbadalo maamul ayuu ku dhiiradey, dhismayaal ayuu ka taaba-galiyay Muqdisho, waddooyin ayuu dhisay, hiil ayuu u noqday haweenka waxaana uu ku taxay xillal badan, magac iyo mamauus balaaran ayuu ku kasbadey sidii uu ugu damqaday dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay Masiibadii Isgoyska Zope.

Xaqiiqdii Thabit Cabdi shacbiyad badan ayuu hantay muddadii uu ahaa Gudoomiyaha G/Banaadir, inkastoo uu ahaa nin madax ah haddana bulshada iskama weyneyn jirin, hab dhaqan soo jiidasho leh ayuu lahaa, ciyaalka xaafadda iyo halka ay bulshadu fadhido ayuu dhex gali jiray marka uu ka qeyb galayo munaasbaddaha lagu casuumo, muran kama taagna inuu ahaa Duqii hore ee Muqdisho taariikh sameeye la yaab leh.

Gu’ barwaaqo isaga oo iska dhex dabaalanayo ayaa kor looga yimid, dagaal uusan filneyn ayaa lagu bilaabay, dhaleeceyn ayaa oodda looga soo qaaday, is difaac aan meelna gaarin ayuu ku dhaqaaqay, tallo waxay farahiisa ka baxday markii uu isu caleema saarey Gudoomiyaha la doortay ee G/Banaadir, saacaddo kadib markii uu is magaacabay ayaa si rasmi ah xilka looga xayuubiyay, la yaab waxaa laheyd sida uu isu caleema saarey iyo sida dhagaha fuddud oo uu u aqbalay xil ka qaadistii lagu sameeyay.

Dhawr bilood kadib Thabit Cabdi maanta waa Baagamuundo siyaasadeed, dadkii shalay ka daba carrari jirey maanta agtiisa laguma arko, Atoorihii G/Banaadir haddii uu wacnaa iyo haddii uu xumaaba filimkiisii halkaas ayuu ku dhamaaday, haatan waxaa uu ka mid yahay sacbooleyda ku nool muqdisho balse waxaa is weydiin mudan ninkaasi caanka ku ahaa xerashada “Maradii Gaduudneyd” ma la Tabey mise waa la Hilmaamay?

Shiiqaalow Xassan