Maqaal: Hinaaska Imaaraadka: Xaggee dalka Ku hayaa?

Gwadar port oo ku taala dalka Pakistan, waxaa si wadajir ah u dhisay China iyo Pakistan. Waxaa halkaas laga soo daabuli doonaa dhammaan wax soo saarka China, iyadoo lasoo marsiinayo Soomaaliya si looga galo Afrika. Maadaama badda Shiinaha ey dunida ka fog tahay, oo ey waqti dheer ku qaadato in maraakiibta shiinaha ey dunida gaarsiiso badeecadda Shiinaha, sidaas ayey Shiinuhu u maalgashadeen dekedda Gwadar oo si toos ah ugu beegan xeebaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Shiinuhu wuxuu dhisay khad tareenku maro oo kasoo baxa magaalooyinka warshadaha Shiinaha, kaas oo toos u gala dekedda Gwadar ee Pakistan. Halkaas waxaa badeecadaha Shiinaha kasoo qaadaya maraakiib oo si dhaqsa ah dunida u geyneysa badeecadda Shiinaha. Waagii hore, badeecadda Shiinaha waxaa lasoo marsiin jiray Dubai Imaaraadka.

Maadaama dekedda Dubai ey luuq ku taalo, Shiinuhu wuxuu qorsheenayaa inuu ka guuro Dubai oo Soomaaliya u guuro mustaqbalka dhow — si badeecaddiisa ey dunida degdeg u gaarto. Arintaan waxay ka careysiisay Imaaraadka iyo xulufadooda. Arrinkaanna waxaa sheegay oo dhowaan daboolka ka qaaday reysal wasaaraha dalka Pakistan Shahid Khaqan Abbasi. Reysal wasaaruhu wuxuu kaloo sheegay iney doonayaan iney Soomaaliya u noqoto iridda laga galo Afrika, oo ey la sameystaan xiriir ganacsi oo adag.

Haddii qorshaha Shiinaha iyo Pakistan uu hanaqaado, dekedaha Imaaraadka ilbaabada ayaa la isugu laabayaa, dooni xataa kuma soo xiran doonto, waa sida ey sadaaliyeen khubarada dhaqaalaha adduunka. Waana arrinkaan waxa Imaaraadku ka kululaadeen oo dalkooda ey macaabid Hinduus uga dhisayaan. Dubai oo aheyd rugta ganacsiga adduunka, waxaa kusoo wajahan mustaqbal mugdi ah.

Falcelinta Imaaraadka waxay aheyd iney Pakistan la colloobaan — eyna maalgeliyaan Hindiya oo cadaawad soo jireen ah ey kala dhexeyso Pakistan. Bishii Febraayo ee sanadkaan waxaa dalka Imaaraadka booqasho rasmi ah ku yimid reysal wasaaraha Hindiya Narendra Modi, halkaas oo lagu dhagax dhigay macbadkii ugu horeeyay oo dahab ka sameysan, oo ey maalgelineyso dawladda Imaaraadka, waxaana lagu soo warramay inuu ku baxayo kharash aad u farabadan. Macbadka waxaa laga dhisayaa magaalada Abuu Dabaay ee caasimadda dalka Imaaraadka. macbadku wuxuu noqonayaa kii ugu weynaa macaabidda Hinduuska ee ku yaal meel ka baxsan dalka Hindiya.

Imaaraadka waxay suxul duub ugu jiraan iney carqaladeeyaan shabakada ganacsiga wadajirka ah ee Pakistan iyo China (the silk road), kaas oo ku wajahan Afrika iyo dunidaba — iyadoo la marayo Soomaaliya, arrinkaana wuxuu kamid yahay sababaha ey Imaaraadku lugta ugu wallaaqayaan Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya. Imaaraadku ma kala jecla waxa Soomaaliya ku dhacaya iyo waxay faa’iideyso, waxa kaliya u muuqda waa fashilinta qorshaha Pakistan iyo China. Sidoo kale, waa sababta Imaaraadka iyo Sacuudigu u maalgelinayaan Itoobiya si ey u noqoto Libaaxa Geeska Afrika oo ka caawiya la dagaalanka ganacsiga Shiinaha iyo Pakistan ee ku wajahan Afrika.

Qalinkii: Abdiaziz Arab