Howlgallo ballaaran oo ka socda G/ Shabeelaha Hoose

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in howlgallo ay ka bilowdeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi.

Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxaa Ciidamada milatariga dowladda ay ka wadaan tuulooyin hoos yimaada deegaanka Golweyn ee G/ Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyaha deegaanka Golweyn Maadey Sheekh Cismaan Islow oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalladaasi.

Waxaana uu sheegay in u jeedka uu yahay, sidii loo xaqiijin lahaa amniga, loogana hortagi lahaa weerarada Al Shabaab ay ka fuliyaan halkaasi.

Guddoomiye Maadey ayaa tilmaamay in howlgalladaasi uu horkacayo G/Sare Xasan Maxamed Abuukar Xasan Jaamici oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada dowladda ee gobolka Shabeelaha Hoose.