ENGLAND Oo Waqtiga Dheeriga Ka Taqalusay Tunisa Ka Dib Ciyaar Ay Fursado Qasaraarin Ay Marti U Ahaayeen

Qaramada Ingiriiska iyo Tunisa ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac min hal gool ah xilli Ingirisika sedexdii daqiiqo ee ugu horeeysay laga bad baadiyay fursado xaqiiq ahaa .

Goolhayaha Tunisa ayaa Ingiriiska u diday biloowgii in ay waqti hore goolal ku hubsadaan shabaqa Tunisa xilli ay sii dheereed fursado ay iska qasaarinayeen Ingriiiksa waxaana ugu horeeyay Raheem .

Ingiriiska ayaa cadaadis badnaa iyaga ayaan ahaa dhanka laga filan karay in ay ciyaarta hogaamiyaan maadaama ay ciyaarayen kubad deg degsiimo leh halka daafac ahaan ay aad u wacnaayeen .

Dadaalkii Ingiriiska waxa ay ku keeneen gool daqiiqaddi 11-aad waxaana saxiixay Harry Kane ka dib kubad uu si cajiib ah goolahayaha Tunisa uga bad baadiyay Stones kaasi oo soo madaxeyay kubad uu soo koorneeyay Ashley Young .

Inkastoo goolhayaha Tunisa ee Hussein uu bad baadinno cajiib ah sameynayay hadana kala baxa garabka ayuu ka dhaawacmay taasi oo keentay in garoonka uu ka baxo daqiiqaddii 15-aad waxaana xilligaas la soo giliyay Ben Mustapha.

Heerka kubad haysashada Ingiriiska ayaa gaartay %61 , waxaana qaranka Tunisa ku adkaa in kubadda isla helaan ayna soo gaaraan aagg goosha Ingiriiska .

Tunisa qeybihii dambe waa is fur furayeen waxa ayna haminayaan in ugu yaraan u soo dhawaadaan qadka Ingiriiska si fursado koorno iyo Free Kick-yo u helaan , waxa ayna ugu dambeyn heleen rigoore ka dib qalad uu galay Walker waxaana rigooradaas gool u turjumay Ferjani Sassi daqiiqaddii 35-aad

Ingiriiska nasiibka ayaa diidanaa dhamaadkii waa ayna mudnaayeen gool , xilli daqiiqaddii 44-aad gool cajiib noqon lahaa oo uu gool hayaha ka dul qaadayay ay birta kaga dhacday Lingard

Biloowga qeybta labaad , Tunisa qaab wacan ayay ku bilaabeen ciyaarta balse ma aheyn kuwo natiijada wax ka badali kara xilli Ingiriiska ay ka go`neyd in ay helaan goolal dheeraad ah.

Ingiriiska ayaa cadaadis badnaa oo kubadda waxa ay kula wareegayeen goosha Tunisa kuwaas oo iyana la tacaalayay is difaacid mar waliba oo kubadda aaggooda la geeyo .

Guud ahaan Ingiriiska ayaa hanaan ciyaar wacnaa oo weerar aan kala joogsi laheyn ayay ku hayeen goosha Tunisa xilli kooxda kale ay ku jireen daafac waxa ayna heerka kubad haysashada Ingiriiska gaarsiisaneyd %58 .
Ingiriiska waxa ay la tacalaayeen sidii weerarkooda gool ugu turjumi lahaayeen maadaama Tunisa si deggan ay u wajahayeen cadaadiska saaran
Goolhayaha qaranka Tunisa ayaa gool cajiib noqon lahaa waxaa uu ka bad baadiyay ingiriiska daqiiadii 82-aad xilli Tunisa cadaadis aaan kala joogsi laheyn lagu hayay iyadoo ay arinahaas ay sii dheer yihiin fursado ay cunayeen

dadaalkii Ingiriiska gool ayaa ku yimid daqiiqadii 1-aad ee afarta daqiiqo oo waqtiga heeriga ah waxana gool cajiib ah madaxa ku dhaliyay Harre Kane waxa ayan ciyaarat

ku dhamaatay 2/1 oo ay guusha ku raacday Ingiriiska