Diyaarado Dagaal Oo Dad Ka Qabsatay deegaanada Awdheegle iyo Bariire

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya diyaarado dagaal oo saacadihii la soo dhaafay dad ka qafaashay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka laga helayo Sh/ Hoose ayaa ku warramaya in xalay diyaarado aan heybtooda la garaneyn ay ku dagteen tuulooyin hoos yimaada deegaanada Awdheegle iyo Bariire oo ka wada tirsan gobolkaasi.

Waxaana la sheegay in halkaasi ay ka qafaasheen illaa 7 ruux oo Rag ah, halka 2 qof kalena ay dileen, sida ay idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Meelaha diyaaraduhu ay ku dagteen aya waxaa ka mid ah tuulada Shangare oo hoos timaada deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaana gacanta ku haya deegaanadaasi Xarakada Al Shabaab, inkasto illaa iyo hadda wax war ah aysan ka soo saarin arrintaasi.