Ruhakana Rugunda Oo Shiinaha Ka Codsaday Sii Joogi Taanka Ciidankeeda Soomaaliya

Resal Wasaaraha Dalka Uganda Ruhakana Rugunda oo wasreysi siiyay wargeyska New Vision ee kasoo baxa dalkaasi ayaa sheegay in uu kulan uu la yeeshay Masuuliyiin ka socda dalka China, isla markaana uu ka cod saday in gabi ahaan la soo af jaro dhibaatooyinka gobolka gaar ahaan gayiga Soomaaliya.

Wang Yang oo ah gudoonka sare ee xisbiga ugu weyn dalkasi oo hogaaminayay wafdigaasi booqashada ku tagay dalkaasi Uganda ayaa sheegay in dowlada China ay diyaar la tahay sidii ay guud ahaan gobolka ugu taareeri laheyd dhanka amniga iyo maal gashiga isagoona balan qaaday in dhawaan dowlada China ay qeyb kanoqon doono xalinta khilaafaadka kataagan dowr wadan oo ay ugu horeyso Somalia, South Sudan, Burundi iyo sidii wax loogu qaban lahaa arimaha qaxootiga kunool dalalkaasi.

Dhanka kale Mr Rugunda ayaa sheegay in dowlada Uganda ay ciidamo fara badan ka jogaan Soomaaliya kuwaa oo qeyb ka ah howlgalka ciidamada midowga Africa ee Amisom ee dagaalka kula jira Al shabaab isagoona carabaabay in Dowlada China ay ka doonayaan taageero sidii ay golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ay kala hadli lahaayeen in ay kusii nagaadaan Soomaaliya ciidanka Ugunda ee qeybta ka ah ee Amisom iyo sidii loogu sii laba jibaari lahaa waqtigooda intii laga wiiqayo awooda Xarakada Al shabaab.

Dhawaan ayey aheyd markii Qaramada Midoobey ay usheegtay dalalka ciidanka ka jooga Soomaaliya in sanadaha soo aadan ay iskaga bixi doonaan guud ahaan Soomaaliya, iyagoona sheegay in ciidamada amaanka dalka laga doonayo in amniga guud ahaan Soomaaliya ay si wanagsan u sugaan.

Dhanica kale Raisal wasaaraha dalka ugunda  Ruhakana Rugunda ayaa carabaabay In amniga Soomaaliya waqti xaadirkan aanu wanagsaneyn inkastoo ciidamada dowlada ay heystaan tababaro ku filan balse waxaa u sheegay in aysan jiran isku dhaf ciidan iyo habeynta ciidanka dowlada Soomaaliya.

Qaar kamid ah dalalka Ethiopia, Burundi, Kenya, Uganda, iyo wadamo kale ayaa waxaa ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, kuwaa oo dowlada  mudo ka taagerayay la dagaalanka Xoogaga Al shabaab.