R/W Kheyre oo maanta u duulay dalka Norway

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amababaxay magaalada Oslo ee dalka Norway, halkaas oo ay kaga qaybgalayaan shir caalami ah oo sanadkiiba mar la qabto.

Madal caali ah oo lagu magacaabo Oslo Forum ayaa sanadkan waxaa ka soo qaybgalaya wufuud dalal badan ka socota iyo madaxda Golayaasha waawayn sida xoghayaha guud ee Qaramada Mdoobay oo lagu casuumay iyo xubno kale.

R/W kheyre iyo xubno kale oo safarkaan ku wehlinaya ayaa Soomaaliya ku matalaya shirkaan caalamiga ah waxaana looga hadlayaa arimo kala duwan oo inta badan quseeya amaanka iyo dhaqaalaha caalamka.

Soomaaliya waxa ay shirka la tagaysaa ajandayaal ay ka mid yihiin inay dunida ku qanciso isbadalka balaaran ee ay ka samaysay dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo dawlad wanaagga, sida uu sheegay Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo wafdiga qayb ka ah.