Maqaal: Siyaasadda Cusub ee Gobolka Geeska Afrika

Africa-da bari waxaa lagu tiriyaa meelaha siyaasad ahaan aan sal degan aan lahayn, deganaasho la’aanta siyaasadeed waxay u horseeday gud ahaan gobolka dib u dhac dhan-kasta ah marka loo eego inta kale ee Qaarada Africa. Waxaa kaloo ayadana mudan in la tilmaamo in Geeska Africa ay hoy u noqotay xag jirka tasoo salkeedu yahay shaqo la’aanta dhalinta iyo hurumar la’aanta iyo cadaalad darada, waxaa kaloo ayadana jirta in dhalinteedu ay noqdeen kuwa ku dhamaada badaha aduunka ayagoo raadinaayo nolol iyo hurumar kana haajiraayo dhulkoodi.

Si loo helo deganaasho siyaasadeed loona gaaro hurumar waxaa hubaal ah in loo baahan yahay aragti siyaasadeed cusub inuu gobolka la yimaado tasoo ay ugu horeeyso in dowlad kastaa ay dhoowto madaxbanaanida dalkasta oo la joojiyo fara-gelinta siyaasadaha dalkasta uu gaarka u leeyahay, waxaa kaloo ayadana muhiim ah in laga digtoonaado in dowlado kale ee dan ka leh gobolka ay faraha la soo galaan siyaasada gobolka Geeska Africa.

Waa inay Soomaalida fahantaa in maanta aduunka aan ku nool nahay uusan kala xirnaan karin, loona baahan yahay in gobolka uu yeesho xiriir ganacsi oo isku furan tasoo sal u ah inay is dhex maraan 3 sheey oo kala ah dhaqaalaha, dadka iyo badeecada.

Great of Horn of Africa ama Geeska Africa waa shan dowladood oo kala ah Soomaaliya, Ethiopia, Elettaria, Sudan iyo Jabuuti. Shantaan dowladood waa inay gaaraan heshiis wada shaqeyn iyo maalgashi si loo hurumariyo dhaqaalaha dalalka Geeska Africa, hadii si wanaagsan looga shaqeeyo waxay fursad u tahay inuu gobolka helo deganaasho siyaasadeed.

Waxaan aaminsanahay in siyaasadaan cusub ay Soomaalida dan u tahay dhankasta waayo dadka Soomaaliyeed oo ah dad aad ugu wanaagsan ganacsiga lehna nad wayn, waa in loo helaa fulinta arinkaan dad Soomaaliyeed aqoon u leh fulinta heshiiyyadaan si dalkeena iyo dadkiisa uga faideystaan.

Waa mid mudan inay Soomaalida ay fursad siiyo soo dhaweeynta heshiiskaan, waxaan u hambalyeeynayaa madaxda labada dal ee arinkaan ku dhiiraday. Waxaan ka rajeeynayaa dowladda Soomaaliya inay gudi aqoonyahano ah u saarto inay soo darsaan arinkaan ka dibna la yimaadaan sidii loo fulin lahaa heshiisyadaan kor u qaadi karo dhaqaalaha labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia si gobolka uu u gaaro deganaasho siyaasadeed.

Sheekh-Nur Abukar Qaasim