Ma Itoobiyaa Soomaaliya Burburisay Mise Soomaali Baa Soomaaliya Burburisay?

Soomaalida ma jeclo inay qaataan dambiga qaladkooda, waxay inta badan door bidaan in qaladkooda ay dusha ka saariyaan dad kale. Waxaa marqaati ma doonto ah inay Soomaalida burbursheen qarankooda, isku dileen beelo beelo, maatidii la xasuuqay oo midkasta calan been ah surtay uu meel gaar ah xirtay asaga iyo beeshiisa.

27 sano ka dib markeey ay xal la imaan waayeen oo dalkoodi uu noqday mid halaqyo galeeno oo qatar ku ah deriska iyo aduunkaba waxaa gacantoodi ka baxay taladii dalkoodi, tasoo ay maanta meel ay u raadshaan garan la’a yihiin.

Dabcan burburkoodi iyo tafaraaruqoodi waxay fursad siisay dowlado badan oo dan ka lahaa waligood Soomaaliya tasoo si toos ah ama si dadban ay u farageliyeen siyaasadda dalkooda Soomaaliya oo madaxbanaanida dalkooda ay mugdi geliyeen. Bal dib u noqo jabhadahii lagu burburshay qarankii Soomaaliya laga soo hubeeyay dowladaha deriska ah shacabkiina ay u sacbiyeen jabhadahaas aaway muwaadinimadii?

Soomaalida waxay markasta afka ku hayaan Ethopia Ethopia, soow ayaga ma ahayn kuwii hubka u doonan jiray? Soow ayaga ma aha kuwa maanta talada dalkooda hoos geeyay Addis Ababa ayagoo sheeganaayo maamul goboleedyo?

Waxaan aaminsanahay in maanta heshiiska ay gaareen labada dal Soomaaliya iyo Ethopia ay tahay heshiis wanaagsan oo hadii la fuliyo dan u ah labada dal xaga amaanka iyo ganacsigaba oo meesha ka sareeysa siyaasadii xumayd ee ay dowlada Ethiopia ay kula dhaqmi jirtay dalka Soomaaliya.

Inta aadan dad xisaabinin waa inaan anaga is xisaabinaa oo aan qaadanaa gafkeena,lana imaanaa xalkii loogu gudbi lahaa mushkiladaan aan anaga masuulkeeda leenahay.

Waxaan ku amaanayaa labada dal ee Soomaaliya iyo Ethopia inay la yimaadeen siyaasad cusub oo ogolaaneeyso hurumar iyo nabad, tasoo xushmeeynayso madaxbanaanida dal kastaa meeshana ka saareeyso is garab yaaca laga dhexlay dowlad la’aantii.

Wa bilaahi towfiiq.

Sheiknor Abucar Qassim