Jamaahiirta Xulka Qaranka Jarmalka Oo Twitterka Ku Jeex Jeexay Mid Ka Mid Ah Ciyaartoydii Xulkooda Ugu Soo Bilawday Kulankii Mexico.

 

Xulka qaranka Germany ayaa markii labaad oo kaliya guuldaro la kulmay kulan ay ku furteen koobka aduunka waxayna waji gabax lama filaan ah kala kulmeen xulka qaranka Mexico oo guuldaro 1-0 ah gadhka u galiyay difaacdayaasha koobka aduunka ee Germanay waxaana goolka guusha Mexico u saxiixay Hirving Lozano.

Xulka qaranka Germany ayaa hadda u baahan doona in ay ka soo kabsadaan guuldarada Mexico ka soo gaadhay si ay u sii wadan karaan koobka aduunka laakiin jamaahiirta Jarmalka ayaa hal ciyaartoy oo shaxda qarankooda ku soo bilawday si xun baraha bulshada ugu jeex jeexay.

Jamaahiirta xulka qaranka Germany ayaa cadho aan caadi ahayn barta twitterka ku soo bandhigay waxayna su’aalo badan iska waydiiyeen sababta Sami Khedira uu kulan ugu soo bilawday iyaga oo waliba erayo aad u xanaf badan ku duray.

Sami Khedira ayaa qaybtii labad ee kulankii Mexico la saaray markii uu awoodi waayay in uu wax badan ku soo kordhiyo kooxda qarankiisa isaga oo dhamaystiray boqolkiiba 79% boosishanka ciyaarta laakiin waxa uu ku fashilmay in uu hal kubbad dhexda ka qabto ama uu halis ka fogeeyo kooxda qarankiisa Germany.

Jamaahiirta Jarmalka oo si wayn u cadhaysan ayaa dhaliil xoogan u soo jeediyay macalinka xulka qarankooda iyaga soo bandhigay sida waqtigii Khedira ee Germany uu u soo dhamaaday waxayna sheegeen in aanu la ciyaari karin Toni Kroos.

Qayb ka mid ah jamaahiirta Jarmalka ayaaba cadho wayn ka muujiyay in uu haddii uu Khedira u ciyaaro qarankooda uu gabi ahaanba ka soo cidhibtiri doono koobka aduunka iyaga oo iswaydiiyay sababta 2018 uu Sami Khedira ugu ciyaarayo xulka qarankooda Russia jooga.

Inkasta oo qayb ka mid ah jamaahiirta xulka qaranka Germany ay cunsurinimo iyo niyadjab kula kaceen Ilkay Gündogan in uu la kulmay isla markraana uu erayo fiican ka sheegay madax waynaha Turkey, waxaa jira jamaahiir ka mid ah Germany oo ka cadhaysan in aanu Gündogan kulankii Mexico ciyaarin halka Khedira oo aan waxba tarayn uu ciyaaray waa sida ay aaminsan yihiine.

Si kastaba ha ahaatee, jamaahiirta Jarmalka ayaa daawanayay Sami Khedira oo si sahlan lagu baro bixinayay isla markaana halis badan ku soo daynayay Mats Hummels iyo Jerome Boating waxaana eeda badan Khedira u soo jeeday qaab ciyaareedkii fiicnaa ee Carlos Vela iyo Lozano.

Tababaraha xulka qaranka Germany ee Low ayaa la arki doonaa isbadalada uu samayn doono kulanka soo socda si uu xaalada xulka qarankiisa u badbaadiyo iyo haddii uu Khedira kaydka dhigi doono.