Xulka Argetina oo Barbaro la dhaafi waayay xulka Iceland iyo France oo guul ku bilaabatay.+Sawiro

Xulka Argetina waxay kulankii kowaad ee Group C la dheeleen Iceland oo wacdaro ka soo dhigtay Euro 2016.

Lionel Messi oo hoggaaminayey safka Argetina ayaa isagu lahaa bartilmaameed ah in uu dunida farriin jawaab ah siiyo kaddib bandhiggii cajiibka ahaa ee uu xalay sameeyey Cristiano Ronaldo.

Hase ahaatee, waxay ciyaarta ku soo dhammaatay 1-1 iyada oo uu Lionel Messi ka qasaariyey xulkiisa gool ku laad loo dhigay.

Waxaa daqiiqaddii 19-aad gool u dhaliyey oo hoggaanka u dhiiay Argentina Sergio Aguero, sidoo kale daqiiqaddii 23-aad waxaa bar bareeyey Argentina oo Iceland goolka u soo celiyey ALFRED FINNBOGASON, iyadoo ciyaaraasi ku soo dhamaatay 1-1 oo bar baro ah.

Dhanka kale ciyaartii u dhaxeysay xulka qaranak dalka France iyo Xulka qaranka Australia ayaa waxaa 2-1 ku adkaatay xulka France.