Maqaal: May Danno Naga Wada Yeeshaan?

Abiy Ahmed, wuxuu madax ka yahay dal 100 milyan oo muwaaddin leh, wax soo saarkiisa (GDP) gaaray 72.37 bilyan USD (2016), kobociisa sannadkii 2016 gaaray heer sare 7.6%, dakhliga qarankiisa gaaray 177 bilyan oo dollars (2016), awood siyaasadeed iyo mid ciidanba ku leh Africa. Wuxuu booqday dalal muhiim, oo dowlado xasilloon, oo balan iyo heshiis la isku halleyn karo lala gali karo, oo Afrika ku yaalla oo Kenya, Djibouti iyo Masarba ay ku jiraan.

Soomaaliya ayaa u baahan Itoobiya. Waa 12 milyan oo muwaaddin (1/10 meel hal meel marka loo barbardhigo Itoobiya), 6.217 bilyan USD (2016) (1/10 wax soo saarka Itoobiya), dal rubuc qarni qalalaase ku jira, dowladd dhexe oo aan heshiis lala galay weli si isku haleyn leh fulin karin, sida Masar, Djibouti, iyo Kenya, oo si sahal ah loo garab mari karo, oo laga yaabo in madaxweynaheeda uu Ugaas beeleed ka awood badan yahay, haddanna RW Itoobiya Abiy Ahmed Ali, wuxuu yimid Muqdisho, taas oo ka dhigan in Soomaaliya ay ayadoo weli tabar darran tahay, ay markaan qaadan karin wax ka yar ixtiraam dowladnimo.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu muujiyay laba arrimood oo muhiim ah:

1- In Soomaaliya ay diyaar u la tahay dowlad walba maalgashi iyo ganacsi heerar kale duwan, ka doonnaysa!

2- In Soomaaliya, haba tabar darnaatee, ay tahay dal ugu yaraan muujin kara in aysan la macaamili karin shisheeya aan madax bannaanideeda iyo gobanimadeeda ixtiraamin.

Qodobka labaad ayaa shardi u ah in kan koowaad la isla gaaro. Sida ka muuqata heshiiska 16 qodob ah ee maanta ay isla madaxweyne Farmaajo iyo RW Itoobiya, waxaa cad in

1- Sida ku cad qodobka 1, 2, 4, 9,12 ee heshiiska, Itoobiya ay oggolaatay ixtiraamka madaxbannaanida Soomaaliya iyo awoodda dastuureed ee dowladda dhexe.

2- Soomaaliyana ay ogolaatay kala faa’ideysi ganacsi iyo maalgashi hantideeda (qodobka 5- in fursadaha maalgashiga ganacsiga la furo, qodobka 6- xallinta caqabadaha ganacsiga, 7- maalgashiga 4 dekeddood iyo waddooyinka).

Itoobiya iyo Soomaaliya, cadaawad taariikheed waa ka dhaxaysaa, balse waa laba dal oo barwaaqo wada gaari kara sida Japan iyo China.

Japan, boqortooyadii ka dhisneyd, waxay kummannaan sannadood gumaadaysay dadka iyo dowladda China. Dagaalkii 2-aad ee adduunka, Japan waxay xasuuqeen 20 milyan oo China u dhashay. Japan weli waxay xoog ku heystaan jasiiradaha Senkaku, waxay weli taageero koowaad u yihiin jamhuuriyadda gooni u goosadka ah ee Taiwan.

Cadaawadda gaamurtay ee ka dhaxaysay waxaa bedelay dhaqaale is weydaarsi, China waa suuqa ugu weyn ee Japan, kala bar shirkadaha China waxay deggan yihiin China. China, Japan wuxuu u yahay suuqa labaad, Maraykan kaddib.

Waxaa muhiim ah foojignaan. Sida dhabta ah lama gaarin waqti Itoobiya la aamini karo, niyad wannaagna lagu qaabili karo. Aragtidayga qodobka ugu halista badan ee heshiiska ma aha qodobka 7-aad ee ka hadlaya dekedaha, ee waa qodobka 3- aad dhigaya:

“Labada mas’uul waxay soo dhaweeyeen dhismaha guddi ka shaqeeya is-kaashiga labada dal oo horey loogu heshiiyay, kaasi oo ah heer wasiiro, kaasi oo ka shaqeyn doona horumarinta cilaaqaadka diblomaasiyadeed iyo midka ganacsi ee labada dhinacaba leh”.

Wasiiro 4.5 ku yimid, ama kuwo u bisil musuq iyo laaluush, oo aan inta badan lahayn xirfad ka badan in ay xildhibaano beeshooda u soo doortay, in mas’uuliyadda noocaan ah gacanta loo geliyo waa halis weyn.

Ma aha shaqo wasiir, xirfad laawe, siyaasad u sammeeya wax walba. Mana aamini karno. Waxay u baahan tahay khubaro dhaqaale iyo sharci, aad u hufan, dan waddaniyad ka hoos aanan lahayn, oo xaraf walba heshiisyada lagu qoraya ka eega danta dalka iyo dadka, ee aan ogaal li’i wax looga saxiixan karin, ama lagu qancin karin gunno fursadeed ama maaliyadeed.

Dadka dhahaya Itoobiya dan bay ka leedahay dekedaha, waa run, laakiin anaga dan ma kala leenahay dekedaha iyo xitaa dalkaba?

Taasi waxba kama duwana Erdogan dan buu naga leeyahay dadka dhaha, oo ku qeylinayay maxaa Aden Adde Airport, dekedda, xaruumaha caafimaadka Turkey loogu wajeejiyay.

Eega garoonka inuu xirnaa 20 sanno, oo hal doollar laga helin, dekedda in ay xirneyd, oo madfac liif ah saarnaa, isbitaalka Digfeer in ari carbeed uu joogay, ahaana dhufeys ciidan muwaaddin kale dilkiisa u dhafrayay.

Baddaas dheer ee lagu faanno, iyo wax walba oo uu dalkaan leeyahay, anaga dan kama lihin. Marna kama faa’ideynsan inaan KM-keeda tirino mooye. Waa hanti ay ummaddu ka gaajaysan tahay. Allahayow wax dan ka leh noo keen. Waxay iga joogtaa adduunka oo dhan may Rabbiyow danno naga wada yeeshaan.

Hassan Adam Hosow