Maqaal: Colaadu ciidana waa ka muuqataa!

Ciid wanaagsan marka hore.
Saakay marka aad ku wareegto magaalada Muqdisho waxa aad si fudud ku arki kartaa saameynta weyn ee ay colaaddu ku yeelatay bulshada soomaaliyeed.

Waxa la arki jiray in ciidaha caruurta loo soo gado [agab] muujinaya nabad iyo farxad, hasa yeehsee, saakay waxaa ay caruurtu ku dagaalamayaan jidadka, ayaga oo isku cayrsanaya qoryo iyo bustoolado caag ka sameysan.
Waxa aan isku dayay in aan helo caruur si caadi ah ugu cayaaraya agab ama qalab nabadeed, hasa ahaatee, ma aanan helin.

Ma aqaano goorta uu dhaqan colaadeedka caruurteena saa u sameeyay uu ka dhamaan doono dhulkeena, ee aan heli doono dhaqan nabadeed oo caruurteena ku soo celiya sidii caruur lagu aqoon jiray.

Dadka ka ganacsada agab colaadeedkaas waxaa ku wanaagsanaan lahaa in ay ganacsigooda u leexiyaan agab nabadeed oo nabadda caatada ah sii dhiiri geliya.

Ciid wanaagsan mar kale.

Hassan Hundubay Jimale