Wasiirkaan iyo Saaxiibadii 8-da Febrayo ka hor maxey ahaayeen?=Nasashada Jimcaha.Q-100 aad=.

1-koo Gaalkacyo ku arki jiray Moos qaali ah ayaa Xamar yimid,wuxuu arkay islaan moos goob goob u iibineyso oo leh Goobtiiba waa 1000 shillin, odaygii wuxuu arki jiray moos Hal hal loo iibinayo , oo qaal ah. Islaantii ayuu u soo dhawaaday kuna yiri: Goobtii waa imisa? Waxa ay ku tiri: Goobtii waa 1000 sh.so. waxa uu ku yiri: ii Dhaaro. Waxa ay tiri: war waxba ha i dhaarin ee wax gado ama iga tag.

Intuu jeebka ka soo bixiyay 1000 sh. ayuu dadkii meesha taagnaa ku yiri: Marqaati ka ahaada, kunkii ayuu dhiibay goobtii mooskana waa qaatay, waana iska dhaqaaqay. Islaantii ayaa ku qaylisay oo ku tiri: war kaalay aan BAC kuugu ridee?. Odaygii ayaa orday isaga oo ku qaylinaya : Bac kaama rabo ee ma beecii ayaad ka bixi rabtaa, walee ima taqaanid.( Fiiri Sawirka 1aad)

( Weligii Tareelayaal Garash ku jirta ayuu number siin jiray, waxaa la yiri waxaa laguu dooranayaa taliya sare, waxa uu yiri: ii dhaaro, ma hubtaa. Adigu kaa ma taqiin).

2- koo Mahadaay ka yimid ayaa tagay Hotel Maka Al Mukarama , waxa uu dalbaday koob shaah ah,waxa uuna weydiiyay qiimaha. Waxa lagu yiri: Shaahu waa 2 Dollar,waxa uu yiri: sokortuna waa meeqo, waxa la yiri: Miiska ayeeyba iska saaran tahay , Sokortu waa lacag la’aan. Wuxuu yiri: hadda iigu soo dhaqso koob shaaha , 3 kiilo oo sokor ahna bac iigu soo shub. (FS 2aad)

3- Geedi Butuc oo Doqon ah oo aad u cayilan ayaa u tagay Dhaqtar jooga K4 Xamar. Dhaqtarkii ayaa wuxuu ku yiri: Maalin kasta Soco 5 kilo Mitir oo lug ah, Afar usbuuc kadibna ii soo noqo. Geedi Butuc ayaa Afar Usbuuc kadib soo wacay dhaqtarkii kuna yiri: Dattoore waan ka xumahay maanta waa balantii mana imaan karo , KISMAYO ayaan ku sii dhawahay.( saaxibkaa in uu isbartiibo ku alamiinteeyo ama xaafadda ku dhax socsocdo ayaa laga sugayay ee toos ayuu u baxay). ( FS 3aad)

4-Nin ayaa Shil Baabuur aad ugu Jajabay waxaana la geeyay Isbitaal , waxana lagu sameeyay qaliin qaatay waqti dheer, Markii Daawadii suuxitaanku jirkiisa ka baxday ayaa Dhakhtarkii ku yiri: waxaan kuu hayaa khabar Naxdin leh iyo mid farxad leh. Bukaankii ayaa yiri: Marka hore ii sheeg kan naxdinta leh si aan gadaal uga farxo. Dhakhtarkii ayaa ku yiri: Labadaadii lugood aad ayeey u jajabnaayen,waana badbaadin waayay, waana lagaa Gooyay.

Bukaankii aad ayuu u naxay. Waxa uu yiri: waa maxaay khabarka farxada leh ee aad ii heyso. Dhakhtarkii ayaa yiri: Beec ayaa loo helay Kabahaagii oo Ninbaa rabo in aad ka iibiso, bacdamaa aad ka maarantay. ( FS 4 & 5aad).

(Ex- Control. Kuwa mayd wada ayaa taliyihii Barta kontorol ku yiri : war naxdin leh ayaan idiin hayaa, waddadan baabuurtu halkan kama gudbi karaan,kuwa dhinacaana halkooda ayey ka noqonayaan, Laakin war farxad leh ayaan idin hayaa beryahan maydka waa la xawilayay, baabuurtiina halkan dhigta, myadka gacnta ku qaada , gediga kale ee Check point-ga , Babuur Qabuuraha idin geeya uga kireeya. Mayd la xawilaa iyo xamar).

5-Jaalle Siyaad ayaa tagay degmada Shangaani Xaflad ka socotay, kacaankuna Amaantiisa maahee wax kale ma ogoleyn. Ow macloow oo Run sheeg ahaa ayaa lagu yiri: ka hadal Horuumarka Kacaanku gaarsiiyay Dadka deggan Xaafada Shangaani.

Ow Macloow waxa uu yiri: Istaag Ow Siidoow, Ninkaan waxaas Xamaali ka ahaay Dukaankeyga,kadibna Tuugaas Noqday, Bacdishee,kacaanka ayaa ka dhigay Guulwade, haddana waa Kaaliyaha Xoghayaha degmada.

Ay Maano Miimii, istaag. Markii Hore waxay aheyd sharmuuto, Hadda waa Gudoomiyaha Ururka Haweenka degmada Shangaani. ( FS: 6aad)

( Aw Macloow hala weydiiyo: Wasiirkaan iyo Saaxiibadii 8da Febrayo ka hor maxey ahaayeen?)

6- Naag ayaa gabar ay saaxiiba ahaayeen waxa ay siisay Telfonka nikeeda ,kuna tiri soo wac ninkeeyga aniga oo la joogo, si aan u ogaado in uu naagaha kale telefon ka qabto iyo in kale. Weeyna soo wacday kuna tiri: Xabiibii Ciid wanaagsan, waa Hanni Ladan oo kaa heshay oo rabto in aad is barataan. Waxa uu yiri: Walaaleey iga raali ahaaw, waxaan ahay nin xaas leh, mana rabo in xaaskeeyga aan khiyaano , ama naag kale aan barto, weligeyna wax ay iga codsatay ma diidin. Qoftii Hani Ladan aheyd weey naxday, xaaskiina waxa ay go’aansatay in mar dambe ayna ninkeeda ka shakin.

Ninkii Hal saac kadib telefon kale ayuu Hani Ladan ka wacay, kuna yiri: Sorry macaanto, markii aad i soo weceysay waxaa i ag fadhiyay ku nacas ah oo Seedigeey ah, ee ii wad sheekada Hani Ladan Xubiiiiiiii.

(War yaan haweeynka ciidda been loo sheegi).

Ciid wanaagsan, Soonkeenii Allaah ha naga aqbalo, ciiddanna kuwii farxad ku wada ciida Allaah ha naga dhigo.

Qore:Yahya Amir