Qoysas danyar ah oo la gaarsiiyay Zakaatul Fitri

In ka badan 50 qoys oo isugu jira waayeel, naafo, agoon iyo kuwo danyar ah ayaa maanta la gaarsiiyay Zakaatul Fitri uu ugu tabarucay ururka samafalka iyo gargaarka Ubax Foundation ee fadhigiisu yahay dalka Sweden.

Deeqda gargaarka ah ayaa loo soo xulay qoysaska aan awoodin inay iska bixiyaan Zakaatul Fitriga, kuwaasi oo qaarkood degenaa xerooyinka barakacayaasha ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Zakaatul Fitriga ayaa ahayd raashinka Bariiska, iyadoo qoysaska la gaarsiiyayna ay sheegeen inay ku soo beegantay sadaqadaasi xilli ay u baahnaayeen, waxayna tilmaameen inay heystaan duruufo dhinaca nolosha ah oo kala duwan.

Qaar ka mid ah qoysaskaasi ayaa iyagu uga mahad celiyay madaxa ururka samafalka iyo gargaarka ee Ubax Foundation marwo Khadra Xuseen Calasow, iyagoona si weyn ugu farxay kaalmadaasi deeqdaasi wax ku oolka ah.

Dhinaca kale ma aha markii ugu horeysay oo ururka samafalka iyo gargaarka Ubax Foundation kaalmooyin kala duwan gaarsiiyay qoysaska ku dhibaateysan dalka gudihiisa ee ku heystaan duruufaha adag, waxayna si joogto ah u garab taagan yihiin qoysaska ay la soo dersaan dhibaatooyinka kala duwan sida abaaraha, fatahaadaha, barakaca iwm.