Xoogsatada kaawada Kawaan Bari oo ka cabanaya saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya

Qaar ka mid ah shacabka muruqmaalka ee ka xamaasha Kaawada Kawaan Bari ee degmada Cabdicasiis ayaa ka cabanaya qaar ka mid ah saraakiisha Ciidanka milatariga Soomaaliyeed.

Muruqmaalatadan ayaa warbaahinta gudaha sheegay in saraakiishaasi ay ku hayaan barakicin sida ay sheegeen.

Waxaana ka mid ah saraakiisha la eedeeyay Janaraal Qaafoow, Saney Cabdulle, Axmed Aadan, Abuukar Boolow iyo kuwa kale.

Sidoo kalex oogsatadan ayaa waxa ay sheegeen in inta ay taagan tahay dhibaatada lagu hayo ay isku dhacyo badan ka dhaceen Kaawada kawaan Bari.

Ugu dambeyn shacabkani Muruqmaalka ah ayaa madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka dalbaday in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi lagu hayo.

Facebook Comments