Qoraaga Idaajaa Maxay Ku Haystaan Somaliland iyo Buntland

Idaajaa waa nin hibadiisa sheeko iyo maanso tebinta ahi ay tahay mid qof naftiisa qaddarinayaa uusan muran gelin karin. Waxaase soo noqnoqda eedaymo loo jeedinayo oo ku saabsan aragtidiisa ku aaddan Sayidkii iyo dadkii ka soo horjeedey iyo Siyaad iyo dadkii ka soo horjeedey. Waxaa kale oo dhaliilo loogu yeelaa tebintiisa suugaantu in ay dheellisan tahay oo uusan si siman degaannada fursad u wada siin.

Marka la eego Buntilaan iyo Soomaalilaan, labadaba qolyaha bud-dhigaha u ahi Sayidkii iyo Siyaadba waa ay ka soo horjeedeen. Aragtida Idaajaa ee arrimahaas taariikhayntoodana waxa ay u arkaan in aysan caddaalad ku dhisnayn. Yeelkoode, labadaa qolo sida ay Idaajaa ula dhaqmaan aad bey u kala duwan tahay.

Reer Buntilaan, marka ay ugu badato, dadka waaweyn ama ay asaagga yihiin ayaa Idaajaa ku la kaftama ama xusuusiya in uusan si dhexdhexaadnimo ah arrimaha taariikheed ama suugeeneed ee uu faraha ku la jiro u soo bandhigin. Wax goobtaas iyo goortaas dhaafsiisan ma ay jiraan. Carruurta lagu ma ababiyo in uu yahay nin reerka cadow u ah oo taariikh ceebeed oo aysan lahayn duusha ka saaray, mid wanaagsanayd oo ay lahaayeenna qariyey. Marar badan ayuu yimi Buntilaan. Dano iyo ururin taariikheed/maanseed iyo casumaado caleemasaarro intaba waa u yimi. Fagaarayaal waa ka hadlay. Ma jirin buuq iyo qaylo lagu kiciyey. Markii hawluhu u dhammadaanna waa iska tegayey.

Reer Soomaalilaan, arrinta Idaajaa cirka ayey ku shareereen. Waxa ay ku ababiyeen dhallaankooda oo cadaawad u geliyeen si aan wax badan ka yarayn sida Moorgan. Nin reerka liddi ku ah oo aan shaqo kale lahayn in uu xuma-ka-sheeggooda arlada la wareegayo ma ahee ayey yaryarka madaxa kaga qulaamiyeen. Maalin dhoweyd oo uu yimi afarta garjaho ayey reer Hargeysa isla kaceen. Sidii geeljire dhurwaa hareereeyey ayaa celiyooy!…Jebiyooy!… Waa kaaseey, isla yeertay. Markii ay si talaxtag ah u foolxumeeyeen oo cadow maalooti ah sawir ah ka bixiyeen ayey haddana yiraahdeen: “ sow gob ma ahin, illeyn nimanka Idaajaa soo dhoweeyey oo uu magaaladooda nabad ku joogey baan nahaye?!”

Qof ay ahayd in laga soo qaado nin caadi ah oo magaalo dani ka soo gashay yimi, inta si foolxun loo buunbuuniyey xumaantiisa misna la iska dhigo kuwo Hitler cafiyey oo gob ah, oo gob ah; gobannimada noocaas ahi waa gacan-ku-rimis oo xaalad markii horeba la foolxumeeyey khasab laga ga fooliyey, ee ma aha mid dhalan ah. Gobannimada asalka ahi waxa ay ahaan lahayd in Idaajaa magaaladiisa soo galo, danihiisa ka qabsado, haddii la danaynayo ciddii ay isla suugaanyahanno yihiin ay soo dhoweeyaan ama fagaare loo qabto.

Idaajaa Xamarba waa uu tegey weliba dadka magaaladaa jooga laftigoodu kuwa suugaan tebintiisa eedeeya ayey ka mid yihiin. Haddana wax buuq ahi kama abuurmin tegiddiisii. Maxaa ku gaar ah reer Hargeysa? Noloshuba ma waxa ay ugu macaan tahay in maalin walba shakhsi kulleetiga laga lusho oo lagu loohan yahay iyo xasarad joogto ah. Maxaa keenaya hadba nin meel maraya in ay ku shimbirawaaqleeyaan? Nimanyohow hebellada aad iska luleysaan daaya. Arrimaha hore oo aad qaniinsan tihiinna ka fuqa. Ubadkana sida dadka kale u koriya oo xumaan iyo nacgumaar ha ku canqarinnina!

Waa talo! … Ama dheha darooryiba jir ee doxorku yeelkiisa! (Sayidkii)

Facebook Comments