Donald J Trump Waxa kaliya uu Ku fiican yahay Waa Balanta

Donald J Trump waxaa laga yaabaa inuu yahay nin ku xun waxyaabo badan, laakiin waxaan qirayaa inuu balanta kaga fiican yahay dad badan.

Trump xilligii doorashada wuxuu balan qaaday:
1- Inuu wadamo u badan Muslimiin ka hor-istaagi doono iney Mareykanka soo galaan; taas wuu fuliyay.
2- Inuu Qudus u aqoonsan doono caasimadda Israa’iil; taas wuu fuliyay.
3- Inuu canshuur badan kusoo rogi doono wadamada reer Galbeedka; taas wuu fuliyay.
4- Inuu ka bixi doono heshiiska cimilada ee loo yaqaan Paris climate agreement; taasna wuu sameeyay.
5- Inuu ka bixi doono hesshiiska nuclearka Iiraan; taasna wuu sameeyay.
6- Inuu Kuuriyada Waqooyi dunida kusoo dari doono oo hubka ka dhigi doono ama uu weerari doono; taas caawa ayey labada dhinac mid u dhaceysaa.

Waxaas oo dhan wuxuu ku sameeyay in ka yar 2 sanadood.

FG: Kuma waafaqsani madaxweyne Trump arrimahaan oo dhan, laakiin waxaan qirayaa inuu yahay shaqsi oofiya wuxuu balanqaaday. Waa muhiim inaad kala soocdid aragtidaada shaqsiga ah iyo waxqabadka qofka kaa aragti duwan.

Abdiaziz Arab

Facebook Comments