Maqaal: Ku dhiiri gelin Gudoomiyaha Gobolka Benadir howsha uu hayo

Gudoomiyaha Gobolka Benadir islamarkaana ah Duqa magaalada Xamar mudane Eng Cabdiraxmaan Cumar (Yariisow) waan ku dhiirigelin talaabada uu ku burburiyay xeradi laga ooday banaanki u dhexeeyay Shaneema Ceelgaab iyo Afrika, waxa kale ee aan u bogay inuu fariin cad u diray dadka dhistay dhulki jardiinooyinka ahaa, runti magaalada wey caburneyd oo meelihi ay ka neefsan laheyd baa lawada deegaameeyay…😘😘👏👏👏👏👍👍👍👌👌

Mudane Cabdiraxnaan waxa kale oo umadda intooda badan ku farxi laheyd haddii aad joojiso cabirka dhulalka xitaa hadda isma lihi iney u hartay dhul keyd ah, runti qorsheynta dhismaha caasimadda bey wareerisay oo xitaa waa tanoo dhul toban jeer la cabiraayo… dadka intaa ku hawlan maaha dad garta qaladka ay abuurayaan saameynta oo iyaga laftooda ku yeelan karo, oo waa inti la hagi lahaa… waxaa xoogga saartaa dib u dhiska magaaladi burburtay iyo nidaamka biyo bixinta, waxa kale aad xoogga saartaa iyadoo si dhab ah loo daraaseynayo in aad abuurto qashin qubweyn iyo sidi magaalada qashinka looga qaadi lahaa, intaas waxey wax weyn ka tareysaa caafimaadka dadka deggaanka oo dhan… liiska waa dheeryahay mudane gudoomiye bal intaa ka fikir.. hambalyo baan ku leeyahay

Fiiro gaar ah,

Maamulka inaad yareyso baa ku wanaagsan xaalka waddanka ku suganyahay ee dhaqaalaha inta badan horumarka la geliyo!

Markale hambalyo, wax ka qabadka intaad sheegtayna waan wada dhowreynaa

Arrimaha dugsiyada waxbarashadana waa arrinkaloo dareenkeeda leh!

Elmi Guleed