Digniin qaadashada Lacagta cusub ee Macadka Daraasaadka Hiiraan State Institute…

MACAHADKA DARAASAADKA EE HIIRAAN STATE INSTITUTE FOR RESEARCH AND POLICY oo ugu baaqay shacabka Hiiraan iyo ganacsatada Hiiraan inaysan ku degdegin oo ay taxadar iyo feejignaan weyn ka muujiyaan qaadashada lacagta cusub ee ay daabaceyso Dawlada Federaalka ee uu hogaamiyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyadoo wasiirka maaliyada Mudane Bayle uu ku dhawaaqay maalintii shalay.

Inta badan adduunka Sicir bararka waxa lagu ogaadaa halbeega loo yaqaano (Consumer Price Index) kaas oo ah celceliska Boqolayda uu is bedelay qiimaha badeecadda la quuto sannadkii koror ama hoos u dhac labadaba. Waxaa cad in ayna wasaaradda qorshaynta dawlada Federaalka xogta (statistics) kaa uruurin hadday uruurisana aan si suggan loo uruurin, sidaa darteed lama yaqaano qaddarka rasmiga ah ee Sicir bararka Somalila ay u geysteen lacagahii faalsada ahaa taas macnaheedu waxa waaye Xalkeedu masugmaayo inta aan la garanaynba wax kordhay iyo wax hoos u dhacay ee lacagtaan cusub keeni karto. Tusaale haddii Zaad sicir bararka kor u qaaday halkee ayuu markii hore joogay oo Zaadku ka soo dhaqaajiyey, haddii Sarrifka qaadka ee Dollarka laga dhigay uu kor u qaaday halkee ayuu ka soo dhaqaajiyey oo gaarsiiyey Sicir bararka dhammaan waa wax aan sugnayn oo male awaal uun ah.

Haddii aynu hadaba is waydiino sicir bararka lacagtaan cusub keeni karto, waxa ay ila tahay waxa jira dhibaatooyin inoo gaar ah oo u baahan in la daraaseeyo Kaw adduunka ma jiro dal laba lacagayaw ka dhex shaqeeyaaan sida Laba system ka EVC iyo E-Dahab halkan sida ay uga shaqeeyaan Adduunka ugama shaqeeyaan. Saddex inagu ma lihin wax soosaar buuran oo aynu dunida u dhoofino si joogta ah xilli xoolaheenii ay xataa saaran yihiin cuno qabateyn oo wadan dagaalo sokeeye kasoo kabanaya ayaan nahay si ay lacag inoogu soo gasho aynu wax ku soo iibsano oo is dhaaf inoo noqota.

Shacabka Soomaaliyeed way u baahan yihiin lacag cusub haddana lacagtaan cusub ee dawlada daabaceyso waxaan caddeyn waxyaabo badan oo dhibaato badan ku hareeraysan aan la xalin iyadoo daraasaad gaar ah la sameyn. Lacagtaan ayaa laga cabsi qabaa inay sicir barar iyo dhibaatooyin dhowr ah horseedo, waxaa ka mid ah:

1) Dawlada Soomaaliya lacagta ay daabaceyso lacag raasumaal oo ay ku xakameyso sicir bararka ama suuqa lacagaha weli kama helin IMF, tasoo keeni karto inay suuqa xakameyn weyso sicir barar na horseeda ama lacagta cusub qiimo gaar ah u jaangoeyn karin sarifka.

2) IMF oo sheegtay 98% lacagtii hore ay faalso wada tahay taasoo shacabkii heystay waayaan qaabkii ay u bedeshaan lacagtii hore iyadoo adkeyn karta lacagta faalsada iyo tii hore si loo kala saaro keeni karta ganacsatada inay ka hor yimaaadaan.

3) Dawlada Soomaaliya xoogga waxay saartay soo daabicada iyadoo IMF wadamo donors oo lacagtaas ka caawiyo la helay waxaase yaab leh cadadka ay soo daabaceyso dawlada way diiday inay sheegto taasoo wareysiyo badan oo Bayle lagu waydiiyay uu dafiray inuu ka jawaabo su’aashaas oo loo fasirtay cadad badan oo lacagtas cusub inay suuqa rabaan kusoo daayaan.

4) Doorka bangiga dhexe ee wax ka qabashada Sicir bararka ay lacagtaan cusub la imaan doonto oo aan shacabka u cadeyn
Baanka dhexe dawladuhu waxa uu isticmaalaan siyaasad loo yaqaano (Monetary policy), taas oo uu markastaba ka warhaynaayo dalabka iyo soo daynta lacagta suuqa (Demand and supply of money), sida inuu kordhiyo ama hoos u dhigo xadiga dulsaarka ama inuu lacag suuqa ku soo daayo, inuu Bonds soo iibiyo oo dawladda u soo iibiyo, ama inuu kor u qaado xaddiga lacagta ee laga hayo banks private ka ah ama gaarka loo leeyahay ilaa hadda ma jiro qorshe arrinkaas ku saabsan oo Bangiga dhexe Muqdisho laga hirgeliyay.

5) Doorkii ganacsatada ee wadatshiga lacagtaan cusub qaabkii loo hirgelin lahaa oo maqan xilli ay tahay lacag cusub oo dhibaatadeeda wadata keeni karta haddii ganacsato gaar ah diidaan inay caqabad hareereyn karto xilli EVC iyo E-dahab oo kale ay kasoo horjeesan karaan nidaamka lacagtaan oo ganacsatada kale laga soo jiito.

6) Dawladda dhexe ma isticmaasho siyaasada loo yaqaano (Fiscal Policy) siyaasaddani waxa ay ku salaysan tahay inta badan cashuur kordhin ama hoos u dhigid cashuureed tusaale ahaan Haddii la rabo in hoos loo dhigo saamaynta kharashka (Cost-push effect) cashuurta ay dawladdu qaado ayaa la yaraynayaa si ay badeecaddu u jabto, haddii la doonaayo in (demand-pull effect) hoos loo dhigana cashuurtaa la kordhinayaa si loo dhimo iibka badan ee dadku wax iibsanayaan. Dawladaan dhowr mar ayaa world bank iyo IMF kula taliyeen qaabka ay wax soo saarkeeda u kordhin karto laakiin cid irgeliso ma jirto.
Farsamadan laftarkeedu kama shaqayso Soomaaliya, inta bandanna waxaad arkaysaa wasaaradda Maaliyadu iyada oo ku mashquulsan Shaqadii Bankiga dhexe oo lacag ayay ka hadleysaa halkaan shaqadaan uu lahaa gudoomiyaha Bangiga Dhexe ayaa waxaa shaqadaan la wareegay wasiirka maaliyada Bayle.

7) Hadduu sicir barar dhaco ma jirto qorshe degsan oo Dawlada Federaalka ku xakameyn karto sicir bararka. Dawladaha caalamka laba siyood ayey ku xakameeyaan oo ay isticmaalaan oo ay nidaamkan ku maalmulan mid waxaa looyaqaan Faulting exchange rate sarrifka is bedbedalaaya oo marna hoos u dhaca marna kor balse nidaam ku shaqaynaaya iyo mid la yidhaahdo Fixed Exchange rate oo ah mid go’an oo aan isbedel ahayn hadda midkastaana xaalad ayuu ku habboon yahay aragti ahaanna Fixed exchange ku waa nidaam adag inaguna in aynu isticmaalo way adagtahay waayo dhaqaale lacagteenu ay ku miisaanaato lacagta qalaad ma haysano markasta.

Dhibteena ugu weyni inaga waa lacag fara badan oo is dhinac yaacayo oo shaqaynaaya oo u baahan in si qoto dheer looga fiirsado sidii wax looga qaban lahaa haddii kale dhibteenu waa mid taagnaan doonta abidkeed. Haddii dawlada Muqdisho maareyso oo ay ka hortagto sicir barar ay la timaado lacagtaan cusub markastaba uu qiimaheedu sareeyaa waxay sahashaa in waxyaabaha lala soodegayaa jabnaadaan sicir bararkuna hooseeyo inta badan ilaalinta lacagtuna waxa ay u baahantahay siyaasad wakhti fog tasoo aan jirin qorshe ay dawlada Soomaaliya soo bandhigtay haataan.

TALO SOO JEEDIN KU SOCOTO SHACABKA HIIRAAN:

Shacabka Hiiraan oo lacago faalso badan xoolahooda looga dhacay waxaan talo ahaan ugu soo jeedin laheyn inaysan ku deg degin qaadashada lacagtaan cusub oo dusha ka daawadaan qaabka ay Muqdisho ugu hergeli doonto.

TALO SOO JEEDIN KU SOCOTO DAWLADA FEDERAALKA

1) Inay caddeeyaan cadadka lacagta cusub ee la soo daabacay si aysan u noqon lacag cadadkeeda la aqoon oo si tartiib tartiib suuqa loo soogeliyaa iyo raasumaalka ay ku xakameynayaan iyo hadduu sicir bararka dhaco sideey u xakameynaayaan.

2) Ganacsatada Muqdisho iyo dhamaan ganacsatada Soomaaliyeed ee 18 gobol inay door muhiim ku lahaadaan wada tashi lagala sameeyo hirgelinteeda.

3) In bankiga dhexe Shaqadiisii qabto bangiyadana uu kula xisaabtamo si sharciya sida inuu ka qaado bangiyada gaarka loo leeyahay lacag dhigaal ah (reserve requirment) oo hadday dhib ku timaday hantidii ummadda bedebaado ugu noqonkarto.

4) In dawladdu isticmaasho siyaasadda loo yaqanaan Fiscal Policy, sida cashuur kordhin ama dhimis hadba ku habboon si daah furnaan shacabkana ula socdaan.