Faallo: Daraasaad Tacliinta iyo jaamacadaha dalkeena.

Maadamada eeysan jirin siyaasad oo jaangooysa tirada wax soo saarka jaamacadaha oo waafaqsan baahida loo qabo waxa kasoo baxay jaamacadaha, ayeey waxeey sababtay in sicir barar iyo qiimo beel ku yimaado qiimahii waxbarashada.

Ganacsi gaar loo leeyahay ayeey noqdeen oo aan tayo ku dhisneen jaamacadihii intooda badan.
Daraasadkii ugu danbeeyey tirada guud ee ardayda soomaaliyed dalka gudihiisa wax ku baratay waa 11 250 sida eey sheegtay heyada iftiin??

Waa Sanad gudihiisa intaas oo tiro arday soomaaliyed ah. 90% ardaydaas waa shaqo la.aan, gurigii uu ku koray ayuu wali ku noolyahay. Maalgalintii gasheyna kama soo socoto.

Niyad jabka ku dhaca ardaydaas waxeey sababi kartaa in uu u nuglaado tahriib fal danbiyeedyo kale iyo balwad.

Waalidkii intaas qarash ku baxshay waa u khasaaro. Wasaarada waxbarashada dallkena waxaa la gudboon in jaamacadahan sidii dukaamadii leeysaga garab furay, loo sameeyo sharuudyo adag. In wax soo saarka jaamacada iyo baahida suuqa shaqada kajirtaa eey is waa faqsantahay. Markaas waxaa fiirsaneysay in arday tayo leh uu kasoo baxo jaamacada, misna uu yimaad suuq shaqo loo baahi qabo.

Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha ayaa shaqo abuurka looga fadhiyaa, si eey suurta gal u noqoto in arday tayo leh uu kasoo baxo.

Gunaanadka waxaan ku talin lahaa in
Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha, wasaarada waxbarashada iyo dhamaan jaamacadaha eey ku heshiiyan tayada ardayda iyo baahida shaqo ee dalka.

Maxammed Salaad Yaroow